Saturday, November 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ogolaaday codsiga madaxweynaha ee ah in dib loo dhigo fasaxa baarlamaanka muddo bil ah si loo dhamaystiro meelmarinta shuurcada doorashoyinka iyo xisbiyada.

Hargeysa

Olalaha doorashada Somaliland ayaa weli socda, iyada oo ururada iyo xisbiyada siyaasaddu ay ku loolamayaan sidii ay u heli lahaayeen kalsoonida dadwayna. Xisbiga UCID ayaa maalintiisi labaad sameeyay isku soo bax uu ku muujnayo awoodiisa iyo taageeraha uu haysto.

Jigjiga

Maareeyaha Shirkadda Abuurka Xulka Beeraha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyaan diyaargarawga rarida abuurka tayaysan ee loogu tala galay in la gaarsiiyo qaar ka mid ah gobollada Deegaanka.

Aljeeriya

Ururka Midowga Afrika ayaa dalka Aljeeriya ku qabanaya Madasha Dhallinyarada Afrika oo socon doonta muddo saddex maalmood ah. Ujeedka Madasha ayaa ah in dhallinyarada la siiyo tababaro la xiriira hormarinta fursadaha ka jira dhinacayda saameynta ku leh nolosha sida hal-abuurka ganacsiga.

Thailand

Wasiirka arrimaha dibadda ee Thailand Maris Sangiampsa ayaa safar qaadanaya labo maalmood ku tagaya Hindiya halkaas oo uu kula kulmayo dhiggiisa Subrahmanyam Jaishankar. Labada dhinac ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhaqaale.

Botswana

Madaxweynaha cusub ee Botswana Duma Gideon Boko ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynaha kadib saacado yar markii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday Arbacdii.

Ingiriiska

Musharaxada midigta fog ee asal ahaan ka soo jeeda Nigeria, Kemi Badenoch, ayaa ku guulaysatay hoggaanka xisbiga Conservative ee Boqortooyada Ingiriiska, iyadoo bedeshay Rishi Sunak, oo xilka ka dagay ka dib guuldarradii kasoo gaartay doorashadii guud ee bishii July.

Turkiga/ Senegal

Turkiga iyo Senegal ayaa 5 heshiis ku kal saxiixday Ankara iyada oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Senegal, Bassirou Diomaye Diakhar Faye.

Heshiisyada ayaa isagu jira samaynta Golaha Iskaashiga Istaraatijiyadeed ee u dhexeeya Turkiga iyo Senegal, horumarinta magaalooyinka, dhinacyada tamarta, beeraha iyo waxbarashada sare.

Spain

Tirada dadka ku dhintay daadadka ku dhuftay magaalada Vakencia ee dalka Spain ayaa sare u kacday iyada oo gaartay ilaa 211 qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here