Sunday, November 24, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafiyay in ka badan $1 Bilyan oo Dollar Mareykanka ah, sida lagu sheegay heshiis ay labada dowladood ku kala saxiixdeen maanta magaalada Muqdisho.

Berlin

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho ku tegay Berlin isaga oo kulan la qaatay hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz. Arrimaha ay kawada hadleen labada dhinac, waxaa ka mid ah xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo xaaladda gobolka Geeska Afrika.

Hargeysa

Olalaha doorashada Somaliland ayaa weli socda, iyada oo ururada iyo xisbiyada siyaasaddu ay ku loolamayaan sidii ay u heli lahaayeen kalsoonida dadwayna. Uruur siyaasadeedka Shacbka ayaa maanta soo gabgabeeyay maalmihii uu xaqa u lahaa inuu soo bandhigo ololihiisa doorashada.

Mozambique

Siyaasiga muxaaradka ah ee Mozambique, Vencio montlane, ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil ah isaga oo ku sugan dalka Koonfur Afrika.

Nigeria

Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubuayaa amray in la siidaayo dhamaan caruurtii lagu soo xirey mudaaharaadyadii dalkaas ka dhacay bishii August ee lasoo dhaafay.

Suudaan

Ugu yaraan 18 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada RSF ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah dalka Suudaan.

Mareykanka

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa u dareeray goobaha cod bixinta, maanta oo Talaadada, si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada madaxtinimada ee 2024-ka, oo ay ku tartamayaan Kamala Harris iyo Donald Trump.

Muwaadiniintu waxay sidoo kale u codeeynayaan inay doortaan 34 xubnood oo ka tirsan Senate-ka Mareykanka iyo dhammaan 435ka xubnood ee Aqalka Wakiilada.

Turkiga

Türkiye iyo Kyrgyzstan waxay kala saxiixdeen 19 heshiis oo ku saabsan dhinaca amniga, difaaca, ganacsiga, , tamarta iyo qaxootiga

Itoobiya

Golaha Wakiilka Ethiopia ayaa ogolaaday in $ 738.2 milyan oo amaah ah la siiyo Koonfurta Suudaan. Tillaabadan ayaa daba socota heshiis ay labada dal wada galeen 2023 kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo isku xirka iyo xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya labada waddan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here