Friday, November 22, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

MASAR

Qaahira – Wada hadallo dadban ayaa lagu wadaa in ay Israel iyo kooxda Xamaas ku dhex maraan magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyada oo looga dan leeyahay in la gaaro heshiis la isku dhaafsanayo maxaabiista iyo xabbad joojin ka hirgasha Gaza.

Kooxda Xamaas ayaa jawaabteeda ku aaddan soo jeedinta is-dhaafsiga maxaabiista iyo xabbad joojinta ku waarejin doonta Masar.

Wafdiga wada hadallada ee kooxda Xamaas waxaa hoggaaminaya Khaliil Al-Xayyah.

SACUUDI CARABIYA

Riyadh – Kulamo u dhaxeeya dalalka Carbeed iyo kuwo caalami ah oo ku saabsan isbeddellada gobolka iyo mustaqbalka dagaalka Gaza, ayaa ka dhacay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya oo hadda marti gelineysa shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka.

Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay martigeliso shir u gaar ah mustaqbalka Gaza kaas oo ay kasoo qeyb galayaan dowladaha saameynta ku leh xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, sida Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK David Cameron, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Annalena Baerbock, Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Stephane Sejourne, iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda Midowga Yurub, Jordan, Masar, iyo Qatar.

SPAIN

Madrid – Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo go’aankiisa ku aaddan inuu sii hayn doono xilka.

Sanchez ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in uu ka fikirayo inuu ka tago shaqada, iyada oo cadaadis uga imaanayo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee midigta fog, waxaana lagu wadaa inuu meel fagaaro ah ka sheego go’aankiisa kama dambeysta ah.

GERMANY

Berlin- Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Montenegro, Milojko Spajic si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal iyo qorshaha ay Montenegro ku dooneyso in ay xubin uga noqoto Midowga Yurub.

Berlin- Magaalada Stuttgart , waxaa ka bilaawday maxkamadeynta koox loo heysto in ay qorsheynayeen in ay afgembi ka sameeyaan dalka Jarmalka.

Kooxdan ayaa sidoo kale lagu eedeeyay qorsheynta weeraro argagixiso si ay xilka ula wareegaan.

UK

London – Magaalada London waxaa ka dhacaya baroor diiq loo sameynayo in ka badan 100 suxufi oo lagu dilay Gaza lixdi bilood ee lasoo dhaafay.

US

Washington – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagi doona dalka Sucuudiga.

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan ee loo yaqaano ( UNMISS), si ay usoo saaraan go’aan ku saabsan mustaqbalka howlgalkaas.

Muddada howlgalka Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan ayaa ku eg berri oo Talaado ah.

INDIA

New Delhi – Maxkamadda Sare ee Hindiya ayaa billaawday dhegeysiga dacwadaha ka dhanka ah xiritaanka madaxa fulinta ee Delhi, Arvind Kejriwal iyo madaxii hore Hemant Soren kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

New Delhi – Ololaha doorashada guud ee Hindiya ayaa sii xoogeystay, iyada oo wajiga saddexaad uu ku eg yahay 7-da May.

KENYA

Nayroobi – Dowladda Kenya ayaa martigelinaysa shir u dhaxeeya madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka si looga wada hadalo mudnaan siinta horumarinta qaaradda Afrika.

TOGO

Lome – Ururka Midowga Afrika ayaa 40 kormeerayaal ah u diray dalka Togo, iyada oo dalkaas ay ka billaabatay maanta oo Isniin ah doorashada wakiilada sharci dejinta iyo kuwa gobollada

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here