Saturday, November 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,waxaana ogolaaday 140-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.

Hargeysa

Olalaha doorashada Somaliland ayaa weli socda, iyada oo ururada iyo xisbiyada siyaasaddu ay ku loolamayaan sidii ay u heli lahaayeen kalsoonida dadwayna. Xisbiga mucaarada Waddani ayaa maalintii labaad ka sameeyay magaalooyinka Somaliland isku soo bax uu kusoo bandhigay taagerayashiisa.

Jabuuti

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa kawada hadlay iskashiga amniga iyo sidii loo dardargelin lahaa soo gabagabeynta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS

Jigjiga

Kulanka todobadaadka Golaha amniga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa looga hadlay dardargelinta iyo xoojinta sugidda amniga gudaha iyo xudduudaha

Mareykanka

Murashaxa xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump ayaa loo doortay madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka. Trump waxa uu helay codad gaaraya 277 oo ka mid ah 538 ka cod ee go’aamiya qofka noqonaya madaxweynaha halka ay Kamala Harris heshay ilaa iyo hadda 224 cod.

Mozambique

Wasiirka difaaca Mozambique ayaa ku hanjabay inuu ciidamo militari ah u diri doono goobaha ay ka socdaan bannaanbaxyada xoogan ee looga soo horjeedo natiijada doorashadii dalkaas ka dhacday.

Koonfur Afrika

Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday in si ku meel gaar ah u xirtay xuduudka ay la wadaagto Mozambique, sababo la xiriira rabshadaha ka dhashay doorashada ka dhcday dalka ay deriska yihiin.

Nigeria

29 carruur ah ayaa laga sii daayay xabsiyada Nigeria kadib markii uu madaxweynaha dalkaas soo saaray amar ku saabsan sii deyntooda. Carruurtaan ayaa laba bilood ku jirtay xabsi kadib markii lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen bannaanbax looga soo horjeeday sicirka bararka dalkaas ka jira.

Kyrgyzstan

Magaalada Bishkek ee caasimadda dalka Kyrgyzstan waxay martigelineysa shir madaxeedka 11-aad ee golaha madaxda dalalka ku mideysan qowmiyadda Turkiga. Dalalkan ayaa kala ah Azerbaijan, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Türkiye, iyo Uzbekistan

Kenya

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa la filayaa in uu u safro dalka Koonfurta Suudaan si uu wadahadallo ula yeesho dhiggiisa dalkaas, Salva Kiir. Sii amba qaadidda wadaxaajoodka xukuumadda iyo mucaaradka dalkaas ayaa ah ajendaha ugu wayn safarka Ruto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here