Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Munaasabadda furitaanka rasmiga ah ee xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.
Waajibaadka howlgalka UNTMIS ayaa billaawday 1-dii bishaan November, waxaana la filayaa in howlihiisa lasoo gabagabeeyo 31ka October, 2026.
Muqdisho
Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa loo doortay gudoomiyaha guddiga xildhibaanada labada Aqla ee u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha.
Hargeysa
Olalaha doorashada Somaliland ayaa weli socda, iyada oo ururada iyo xisbiyada siyaasaddu ay ku loolamayaan sidii ay u heli lahaayeen kalsoonida dadwayna. Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maanta soo gabagabeynaya maalmihii loo cayimay inuu soo bandhigo ololihiisa doorasho.
Muqdisho
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in Itoobiya aysan qeeb ka ahayn howlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya(AUSSOM).
Pakistan
Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay maanta qarax ka dhacay goob tareenada laga raaco oo ku taal gobolka Balochistan, ee koonfur-galbeed Pakistan. Tiro kale oo dhaawacyo ah ayaa jirta.
Itoobiya
Maxkamadda Sare ee gobolka Tigray ayaa dhegeysan doonta 21-ka November, 2024, dacwad ay soo gudbiyeen macallimiinta gobolka oo ka dhan ah maamulka Ku-meel-gaarka ah iyo Wasaaradda Maaliyadda kuna saabsan inaan mushaar la siinin 17 bilood.
Suudaan
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn ku soo rogay laba Jeneraal oo ka tirsan ciidamada RSF ee dagaalka kula jira dowladda Suudaan kuwaas oo lagu eedeeyay inay gaysteen xasuuq ka dhan ah dadka raiyidka.
Mozambique
Tirada dhimashada rabshadihii ka dhashay doorashadii Mozambique ayaa gaartay 27 qof, waxaana weli socdo banaanbaxyo looga soo horjeedo natiijada doorashadii ka dhacday dalkaas.
Ruushka/ Africa
Shirkii ugu horreeyay ee heer wasiir ee iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa lagu qaban doonaa magaalada loo dalxiis tago ee Sochi.
Wasiirada arrimaha dibadda ee Ruushka iyo dowladaha Afrika, hoggaanka guddiga Midowga Afrika iyo urur goboleedyada isdhexgalka qaaradda ayaa ka qeyb galaya munaasabadda.
Koonfur Kuuriya
Waxaa baadi goob loogu jira 12 qof oo ay doon kula degtay xeebaha Koonfur Kuuriya, iyada oo la xaqiijiyay dhimashada laba qof. Doonta ayaa ku degtay meel 24 km u jirta xeebaha jasiirada koonfurta Kuuriya ee Jeju.
Koonfurta Suudaan
Daadadka ku dhuftay Koonfurta Suudaan waxay saamaayen ku yeesheen nolosha ku dhawaad 1.4 milyan oo qof. In ka badan 379,000 ayaa ku qasbanaaday inay barakacaan sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.