Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Baku
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee loo yaqaano Global Green Growth Institute (GGGI), sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay page-ka ay wasaaraadda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladu ku leedahay Facebook.
Hargeysa
Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa lagu wadaa in la aaso berri, sida uu shaaciyay guddiga gaarka ah ee u xilsaaran aaskisa.
Shiinaha
Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay halka 17 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, ka dib weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay dugsi lagu barto farsamada gacanta oo ku yaalla bariga dalka Shiinaha.
Filibiin
Duufaanta Man-yi oo ah mid aad u xooggan ayaa ku dhufatay dalka Filibiin habeenkii Sabtida, taas oo sabbatay in kumannaan qof ay ka barakacaan guryahooda. Mas’uuliyiintu waxay sheegayaan in duufaantan ay saameyn ku yeelatay 7.6 milyan oo qof oo ku nool bariga dalkaas.
Waqooyiga Kuuriya
Waqooyiga Kuuriya waxaa la filayaa inay ka jawaabto dhisida xafiiska iskaashiga saddex-geesoodka ah ee u dhaxeeya Mareykanka, Koonfurta Kuuriya, iyo Jabaan. Hoggaamiyeyaasha saddexdan dal ayaa ku dhawaaqay xafiiskan kulankoodi ka dhacay shirka APEC ee Peru.
Nigeria
Madaxweynaha Nigeria, Bola Tinubu, ayaa qasriga madaxtooyada Abuja ku qaabili doona Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, oo booqasho rasmi ah ku tegaya dalkaas.
Senegal
Maanta oo Axad ah, muwaadiniinta Senegal waxay u dareereen goobaha codbixinta si ay u doortaan xubnaha Baarlamaanka cusub, iyada oo madaxweynaha dalku uu rajo wayn ka qabo in xisbigiisu helo aqlabiyad.
Lubnaan
Mas’uulkii ururka Xisbullaahi u qaabilsanaa warbaahinta ,Maxamed Cafiif ayaa lagu dilay weerar ay Israel ka fulisay magaalada Beirut, sida uu TV-ga Aljazeera kasoo xigtay ilo dhanka amniga ah.
Turkiga
Madaxweynaha Israel ayaa baajiyay ka qaybgalkiisa shirka cimilada ee Azerbaijan kadib markii ay dowladda Turkiga ka mamnuucday diyaaradiisa inay adeegsato hawadeeda.
Ciraaq
Wasiirka Ganacsiga Turkiga Cumar Polat ayaa booqasho labo maalmood ah ku tagaya berri dalka Ciraaq, isagoo hoggaaminaya wafdi ay ku jiraan ganacsato.
Talyaani
Wasaaradda Difaaca Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday, inay marinka Gaza u dirtay in ka badan 15 tan oo gargaar bini’aadannimo ah, si wax loogu qabto dadka ay dhibaato kasoo gaartay duullaanka ay Israel ka waddo marinka in ka badan hal sano.