Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Hargeysa
Madaxweynihii Afraad ee Somaliland, marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo dhawaan geeriyooday ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa iyada oo ay ka qayb galeen aaskiisa madaxda Somaliland iyo mas’uuliyiin ka socotay Itoobiya.
Muqdisho
Sarreeye Gaas Odowaa Yusuf Raage ayaa dib u la wareegay hoggaanka ciiidanka xoogga Soomaaliyeed, iyada oo uu goob joog ahaa munaasabadda xil wareejinta ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo mas’uliin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga.
Kenya
Ururka macallimiinta dugsiyada sare ee Kenya ayaa codsaday in mushaaraadka loo kordhiyo barayaasha maadaama uu koror ku dhacay qiimaha maciishadda ee dalka.
Mareykanka
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markiisi ugu dambeysay ka qeyb galaya Shirweynaha dowladaha ku bahoobay G20 ee ka dhacaya magaalada Rio de Janeiro ee Brazil. Shirkan ayaa diiradda lagu saaraya kahortagga gaajada iyo faqriga
Suudaan
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu u meelmariyo qaraar ugu baaqaya dhinacayada isku dagaalaya Suudaan inay ballan qaadaan ilaalinta dadka rayidka ah
Ukraine
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin ku saabsan Ukraine ka dhageysan doona wakiila xogahaya guud ee arrimaha siyaasadda iyo nabadda, iyada oo xilliga uu billowday dagaalka Ruushka iyo Ukraine laga joogo 1000 maalin
Yurub
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa ka shiraya xaaladda Ukraine, xiriirka Midowga Yurub iyo Mareykanka, kadib doorashadii Trump iyo xaaladaha ka taagan Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.
UK
Maxkamadda Sare ee UK ayaa dhagaysan doonta dacwad ka dhan ah hubka laga iibiyo Israel oo loo haysto ku xadgudubka shuruucda caalamiga ah ee xeerarka bini’aadamnimada.
Senegal
Guddiga doorashooyiinka Senegal ayaa lagu wadaa inuu shaaciyo natiijooyinka horudhaca ah ee doorashadii baarlamaanka.
Turkiga
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa beenisay wararka sheegaya in xafiiskii Ururka Xamas ee Dooxa losoo wareejiyay Ankara. Tan iyo 2012, Xafiiska Xamaas ayaa ka furnaa caasimdda Qatar ee Dooxa.
Morocco
Dhakhaatiirta ka shaqeysa cisbitaalada dowladda ee Morocco ayaa ku dhawaaqday shaqo joojin seddex maalmood ah, oo bilaabaneysa berri oo Talaado ah, waxayna dalbanayaan in mushaarka loo kordhiyo.