Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay xeerka Doorashooyinka Qaranka, iyada oo ay ogolaadeen 169-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa ka aamusay.
Kismaayo
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray is-rasaasayn maanta gudaha Kismaayo ku dhex martay Boliiska Jubaland iyo Ilaalada Senator Ilyaas Gaboose oo horay u sheegay inuu u taaganyahay xilka madaxweynaha Jubaland.
Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxtooyada kulan salaam iyo xogwarran ah kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Kulankan waxa sidoo kale goob joog ahaa shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare.
Jigjiga
Kulan doodwadaag ah oo qayb ka ah munaasabadda xuska sannad-guurada 5aad ee aasaaskii Xisbiga Barwaaqo ee xukuma Itoobiya ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga.
Nairobi
Laamaha amniga Kenya ayaa gacanta kusoo dhigay nin la sheegay inuu ku lug lahaa dilkii Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim loogu gaystay xaafaadda Islii 9-kii bishan.
Niger
Midowga Yurub ayaa sheegay inay u yeereen ergayga u qaabilsan Niger, iyagoo sheegay in madaxda dalkaas ay su’aal galiyeen qaabka Midowga Yurub uu gargaarka u gaarsiiyo Niger.
Tanzania
Hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka Tanzania Freeman Mbowe ayaa lagu sii daayay dammaanad, kadib markii xisbiga loo taxaabay ka hor doorashadii dowladaha hoose ee dalkaas ka dhacday.
Pakistan
Qof rayid ah iyo sarkaal booliis ah ayaa ku dhintay labo qarax oo ka dhacay gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee waqooyi galbeed Pakistan.
Falastiin
Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in dadka ku dhintay weeerarada Israeli tan iyo bishii October 2023 ay gaartay 44,176 oo dhimasho ah, iyada oo ay ku dhaawacmeen 104,473 qof.
Luxembourg/ Shiinaha
Wasiirka arrimaha dibadda ee Luxembourg Xavier Bettel i ayaa la filayaa in uu booqasho rasmi ah ku tago Shiinaha taas oo qaadan doonta ilaa 29-ka bishaan. Waxa uu wadahadal la qaadan doona dhiggiisa Shiinaha Wang Yi iyo mas’uuliyiin kale si kor loogu qaado xiriirka labada dal gaar ahaan ganacsiga.
Singapore/ Shiinaha
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Singapore Lee Hsien Loong, oo hadda ah xubin sharafeed ka tirsan xukuumadda ayaa booqasho lix maalmood ah ku tegi doona Shiinaha. Inta uu Shiinaha joogo waxa uu la kulmi doona mas’uuliyiin sare, isaga oo kala xaajoon doona arrimaha labada dal iyo gobolka.
Pakistan
Tirada Dhimashada ayaa kor u dhaaftay 42 qof kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen gawaari rakaab ah oo maraysay degaan ku yaal waqooyi-galbeed ee Pakistan.