Friday, November 29, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Kismaayo: Jubaland oo xiriirka u jartay dowladda federaalka

Golaha Wasiirada Jubaland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay joojiyeen xiriirka iyo wada shaqayntii ay la lahaayeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Go’aankan ayaa loo cuskaday eedeymo ay Jubaland u jeedisay Dowladda Federaalka, oo ay ku tilmaantay inay ku xadgudubtay dastuurka dalka.

Gaarisa : Mooshin ka dhan ah gudoomiyaha

Golaha Wakiillada ee Ismaamulka Gaarisa ayaa kordhiyay jadwalka fadhiyada Golaha, kadib fasaxii dheer oo la filayay inay galaan, si ay uga doodaan mooshin xil ka qaadis ah oo uu soo bandhigay hoggaamiyaha aqlabiyadda Barlamaanka Hoose , Maxamed Cabdi Faarax.

Madaxweynaha Turkiga oo martigelinaya Suldaanka Cumaan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku martigelinaya magaalada Ankara Suldaanka Cumaan Suldaan Haitham bin Tariq. Labada hoggaamiye ayaa yeelan doona wada-hadallo, waxaana lagu wadaa in ay saxiixaan heshiisyo muhiim ah kadib kulanka.

Mareykanka oo ka hadlay xabbad-joojinta Lubnaan iyo Israa’iil

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa soo dhoweeyay heshiiska xabbad-joojinta ee ay gaareen Lubnaan iyo Israa’iil, oo Mareykanku dhex-dhexaadiyay. Xabbad-joojinta ayaa dhaqan gashay Arbacadii, iyada oo lagu soo afjarayo colaadda u dhaxaysay Israa’iil iyo kooxda Xisbullah.

Maalinta Baroorta Qaran ee Dadka Dhaladka ah ee Mareykanka

Dadka loogu yimid dhulka Mareykanka ayaa qabanaya baroordiiq sannadeed ay ku xasuusanayaan dhibaatadii ka dhalatay imaatinkii gumeystihii reer Yurub. Munaasabaddan ayaa ka dhici doonta Plymouth, Massachusetts.

Shir ku saabsan xal u helidda Israa’iil iyo Falastiin

Midowga Yurub iyo Belgium ayaa Brussels ku qabanaya shir lagu taageerayo hirgelinta xal laba dowladood oo ay kala leeyihiin Falastiin iyo Israa’iil . Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo in la joojiyo dagaalka Gaza.

Sweden iyo Poland oo saxiixaya heshiis iskaashi oo istiraatiiji ah

Ra’iisul Wasaaraha Sweden Ulf Kristersson iyo dhiggiisa Poland Donald Tusk ayaa saxiixi doona heshiis kor u qaadaya iskaashiga labada dal.

Madaxweynaha Nigeria oo booqanaya Faransiiska

Madaxweynaha Nigeria Bola Ahmed Tinubu ayaa booqasho labo maalmood ah ku tagaya Faransiiska, si uu wada-hadallo ula yeesho Madaxweynaha Emmanuel Macron. Kulammada ayaa diiradda lagu saari doonaa nabadda Galbeedka Afrika iyo arrimaha dhaqaalaha.

UK oo soo bandhigaysa xog cusub oo ku saabsan socdaalka

Waaxda Arrimaha Gudaha ee UK ayaa shaacin doonta tirakoob cusub oo ku saabsan dadka soo galay dalka, kuwa dalbaday magangelyo, iyo kuwa helay fiisooyin kala duwan, gaar ahaan dadka reer Ukraine.

Maxkamadda Moldova oo go’aan ka gaaraysa doorashada madaxtinimada

Maxkamadda Dastuuriga ee Moldova ayaa shaacin doonta go’aanka kama dambaysta ah ee ku saabsan sax ahaanshaha doorashada madaxtinimada ee dhawaan dhacday.

ICC oo soo saartay amar lagu soo xirayo hogaamiyaha Myanmar

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo taliyaha militariga Myanmar Min Aung Hlaing, iyadoo lagu eedeeyay xasuuq ka dhan ah dadka Rohingya.

Kalfadhiga miisaaniyadda Japan

Baarlamaanka Japan ayaa bilaabay kalfadhi muhiim ah oo looga doodayo miisaaniyadda dalka. Xukuumadda ayaa dooneysa in la ansixiyo $252 bilyan oo loogu talagalay kobcinta dhaqaalaha.

Xaalad kacsanaan ah oo ka jirta Pakistan

Pakistan waxaa ka jirta xaalad xasillooni darro kadib markii xukuumadda ay joojisay isu-soo-bax uu qabanqaabinayay xisbiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Imran Khan.

    Share this article

    Recent posts

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here