Sunday, December 22, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Faransiiska oo Soomaaliya ka cafiyay deyn gaareysa $145.6 milyan

Dowladda Faransiiska ayaa maanta ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka cafisay lacag dhan $145.6 milyan oo doollar, taasoo qeyb ka ah deynta lagu lahaa dalka muddo sanado ah.

Hoggaanka cusub ee Guddiga Doorashooyinka oo la doortay

Xubanaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa Cabdikariim Axmed Xasan u doortay Guddoomiye halka Saadaq Abshir Garaad loo doortay ku xigeenka guddoomiyaha.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Somaliland oo booqasho ku jooga Jabuuti

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiilada Somaliland, Cali Xaamud Jibriil iyo wafti uu hoogaminayo oo booqasho ku jooga Jabuuti ayaa kulamo la qaatay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Dileyta Maxamed Dileyta.

Hargeysa: xukuumadda oo xeerar horgeysay Golaha Wakiillada

Xukuumadda Somaliland ayaa labada xeer ee ciqaabta iyo xeerka Warbaahinta ku wareejiyey shir gudoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Jigjiga: Dib u eegis lagu samaynayo mashruuca shabakadda badbaadada waxsoosaarka

Shirweyne dib loogu eegayo qorshaha mashruuca shabakadda badbaadada waxsoosaarka ee sannadka ayaa ka billowday magaalada Jigjiga. Mashruucan oo ay ka faa’iideysanayaan in ka badan 1.6 milyan oo qof, waxaa loo qorsheeyay miisaaniyad dhan 14 bilyan oo birr.

Guinea: Tobaneeyo qof oo ku dhintay rabashado ka dhashay ciyaar kubadda cagta ah

Tobaneeyo qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhashay ciyaar kubadda cagta ah oo u dhaxeysay laba koox oo ka dhisan dalka Guinea fiidnimadii Axadda.

Dagaalka Suuriya

Dagaallo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Suuriya iyo xoogaga kasoo horjeeda ayaa ka socda gobollada Xalab iyo Idlib iyada oo deegaano cusub lagala wareegay ciidanka dowladda.

Diyaaradaha dagaalka ee Suuriya oo kaashanaya kuwa Ruushka ayaa saacadihii ugu dambeeyay fuliyay dhowr deqeyn. Iran, Turkiga iyo Ciraaq ayaa ah dowladaha sameynaya dhaqdhaqaaq siyaasadeed si dagaalka loo joojiyo.

Natiijooyinka doorashada Baarlamaanka Ireland

Natiijooyinka dhammeystiran ee doorashada baarlamaanka Ireland ayaa la filayaa inay soo baxdo Jimcaha, iyadoo tirinta codadka lagu guda jiro.

Biden oo wiilkiisa cafiyay kana baxay ballantii uu qaaday

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaasoo wajahaya eedeymo la xiriira musuqmaasuq canshuureed oo lagu ciqaabi karo ilaa 17 sano oo xarig ah. Hunter waxaa sidoo kale lagu helay dambi ah inuu sameeyay hadallo been abuur ah iyo inuu si sharci darro ah u haystay hub.

Biden oo booqanaya Africa inta uusan xilka ka degin

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa bilaabi doona booqasho saddex maalmood ah oo uu ku tegay dalalka Cabo Verde iyo Angola. Booqashadan ayaa xooga saaraysa maalgelinta Mareykanka ee Afrika iyadoo Shiinaha uu si xooggan ugu fidayo qaaradda.

Natiijooyinka doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee Namibia

Guddiga Doorashada ee Namibia ayaa lagu wadaa in ay ku dhawaaqaan natiijooyinka rasmiga ah ee doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee dhacday 27kii November. Natiijooyinka horudhaca ah ayaa muujinaya in xisbiga talada haya ee SWAPO uu hogaaminayo.

Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda oo maxkamad la soo taagayo

Hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Kizza Besigye, ayaa la soo taagi doonaa maxkamad milatari kadib laba toddobaad oo uu xabsi ku jiray isagoo lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u haysaty hub.

Saameynta fatahaadaha Thailand iyo Malaysia

Roobab mahiigaan oo ay ka dhasheen fataahado xoogan ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan Thailand iyo Malaysia, iyadoo 150,000 oo qof ay ku barakaceen Malaysia, halka Thailand ay saameeyeen 500,000 oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here