Saturday, September 7, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

UK

London – Doorashada deegaanka ayaa ka dhaceysa England iyo Wales. Codbixiyayaasha London ayaa sidoo kale u dareeraya goobaha codbixinta si ay u doortaan duqa magaalada London iyo xubnaha golaha baarlamaanka ee London.

Musharaxiinta u taagan duqa magaalada London ayaa kala ah Sadiiq Khan oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha, Rob Blackie oo ka tirsan xisbiga Liberal Democrats iyo Susan Hall oo ka tirsan xisbiga Conservative .

UZBEKISTAN

Tashkent – Madasha Maalgashiga Caalamiga ah ee Tashkent ayaa billaabatay, waxeyna socon doonta ilaa Jimcaha.

SOLOMON ISLANDS

Honaira – Xildhibaannada cusub ee dhawaan la doortay ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Jeremiah Manele u doortay ra’iisul wasaaraha cusub ee jasiiradda Solomon.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Wasiirka arrimaha dibadda Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa booqasho rasmi ah ku iman doonta dalka Denmark si ay uga qayb gasho shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Waqooyiga iyo Afrika ee ka dhacaya Copenhagen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here