Saturday, September 7, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

YEMEN

Xiisadda Badda Cas ayaa sii kordheysa xilli ay Xuutiyiintu weerarro ku qaadayaan maraakiibta ganacsi ee lala xiriirinayo Israel, halka dowladda Mareykanku ay gudaha Yeman ka fulisay duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha Xuutiyiinta.

Arrintan ayaa keentay cabsi badan oo laga qabo in hakad ku yimaado isu socodka dhanka badda cas oo ka mid ah marinada ugu mashquulka badan ee ay maraan maraakiibta shidaalka.

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, ayaa ku dhawaaqday inay beegsadeen 107 markab oo laga leeyahay Mareykan, Ingiriis iyo Israel, tan iyo markii ay billaabeen hawlgallada ay ku taageerayaan Falastiiniyiinta Gaza bishii November ee la soo dhaafay.

Xuutiyiinta ayaa weeraradooda u adeegsaday gantaalaha ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida uu sheegay af-hayeen u hadlay

Jimcihii, kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay in ay beegsan doonto markab kasta oo u socda Israel

UK

Glasgow – magaalada Glasgow waxaa ka dhacaya bannaan baxyo lagu dalbanayo madaxbannaanida Scotland iyo in xabbad-joojin laga hirgeliyo Gaza.

GAMBIA

Banjul – Dalka Gambia ayaa marti gelinaya shir-madaxeedkii 15-aad ee ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee sannadlaha ah.

Banjul – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shir madaxeedka OIC. Fidan ayaa la filayaa in uu kala hadlo madaxda kasoo qeyb galaysa shirka xaaladihii ugu dambeeyay ee marinka Gaza, iyo sidoo kale iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika ee dhinacayda dhaqaalaha, tamarta, amniga, iyo deegaanka.

CHAD

N’Djamena – Ololaha doorashada ayaa lagu wadaa in la soo gabagebeeyo, si Isniinta soo socota loo qabto doorashada madaxtinimo ee dalka Chad, taas oo calaamad u ah in xukunka dib loogu celiyo gacanta rayidka.

CIYAARAHA

London/Manchester – Kooxda hogaanka u haysa horyaalka England ee Arsenal ayaa garoonkeeda kusoo dhaweyn doonta kooxda Bournemouth, halka kooxda tartanka kula jirta ee Manchester City ay wajihi doonto Wolverhampton Wanderers.

Madrid/Girona – Real Madrid ayaa qarka u saaran in ay ku guulaysato horyaalka Spain ee LaLiga kulanka ay la ciyaari doonta kooxda Cadiz .

In Real ku guuleysato horylaaka waxey ku xirantahay natiijada kulnka kooxdaha Girona iyo Barcelona.

Hadii Real Madrid ay badiso Barcelonana ay dhibco lumiso kulnka Girona, waxaa Real loo caleemo saari doonaa horyaalka Spain ee xilli ciyaareedkan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here