Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

GAMBIA

Banjul- Shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka oo socday muddo 2-maalin ayaa lagu soo gabagabeyay caasimadda Banjul, iyada oo ay kasoo qeyb galeen madax ka kala socota 57-ka waddan ee xubnaha ka ah ururka OIC.

Shir-madaxeedka OIC ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa Islaam naceybka, isbeddelka cimilada, cunto yarida iyo colaadaha ka jira gobolka.

Dagaalka ka socda Gaza iyo xaaladda Suudaan ayaa ka mid ahaa ajandaha shirka madaxda wadamada ururka iskaashiga Islaamka.

FALASTIIN

Gaza – Weerarada Israel ee marinka Gaza ayaa galay maalintii 212–aad, iyada oo lagu guul darreystay inuu dhaqan galo qaraaarkii Golaha Ammaanka ee ku baaqay xabbad joojin deg-deg ah.

Tan iyo bishii October ee la soo dhaafay, weerarada Israel waxaa ku dhintay in ka badan 34,600 oo qof, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 78,000 oo kale iyada oo sidoo kale curyaamisay gargaarkii la gayn lahaa marinka Gaza taas oo keentay in badi dadka ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan gaajo.

Israel ayaa duqeymo cirka ah la beegsaneysa dhowr goobood oo ka tirsan Marinka Gaza, oo ay ku jirto magaalada Rafax oo ay qorsheyneyso in ku weerar dhulka ah ku qaado dhawaan.

Waxaa soo badanaya digniinaha caalamiga ah ee ku saabsan cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarka magaalada Rafax oo ay gabbaad ka dhigteen dad lagu qiyaasayo 1.4 milyan oo qof oo barakacayaal ah.

Ramallah – Dhanka kale, waxaa sii kordhaya howlgallada ay Israel ka fulineyso Daanta Galbeed tan iyo 7-dii October, iyada oo howlgalladaas ay ku dhinteen 497 Falastiiniyiin ah, laguna dhaawacay ku dhawaad 4,950, waxaana xabsiyada loo taxaabay in ka badan 8,550 oo qof, sida laga soo xigtay ilo Falastiiniyiin ah.

ISRAEL

Tel Aviv – Mudaaharaadyada lagu doonayo in la is-dhaafsado maxaabiista ee ka socda magaalooyinka Israel ayaa sii ballaartay, waxayna dadweynuhu sidoo kale dalbanayaan in ay is casisho xukuumadda uu hoggaamiyo Netanyahu.

MASAR

Qaahira – Wada hadallo dadban ayaa markale Israel iyo kooxda Xamaas ku dhax maraya magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyada oo looga dan leeyahay in la gaaro heshiis la isku dhaafsanayo maxaabiista iyo xabbad joojin ka hirgasha Gaza.

Warbaahinta Masar ayaa sheegtay in horumar la taaban karo laga gaaray wada hadallada xabbad joojinta ee Gaza kadib marki ay labada dhinac ku heshiiyeen qodobo lagu kala tagsanaa markii hore.

YEMEN

Sanca- Xiisadda Badda Cas ayaa sii kordheysa xilli ay Xuutiyiintu weerarro ku qaadayaan maraakiibta ganacsi ee lala xiriirinayo Israel, halka dowladda Mareykanku ay gudaha Yeman ka fulisay duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha Xuutiyiinta.

Arrintan ayaa keentay cabsi badan oo laga qabo in hakad ku yimaado isu socodka dhanka badda cas oo ka mid ah marinada ugu mashquulka badan ee ay maraan maraakiibta shidaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here