Sunday, September 8, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

LATVIA

Riga – Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo madaxda Latvia, Estonia iyo Lithuania ayaa lagu wadaa in ay siiyaan warbaahinta warbixin ku saabsan kulmadi ay wada yeesheen.

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa booqasho ku maraya gobolka Baltic ee waqooyiga qaaradda Yurub.

FRANCE

Paris – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa soo gabagabeynaya booqasho laba maalmood ah oo uu ku joogay Faransiiska. Waxa uu wada hadal la yeelanaya madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo madaxa guddiga Yurub Marwo Ursula von der Leyen.

US

Washington – In ka badan 2,200 oo qof ayaa loo xiray mudaaharaadyada lagu taageerayo Falastiin ee ka socda Jaamacadaha Mareykanka tan iyo 18-kii April.

Washington – Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa khudbad ka jeedin doona Shirka RSA 2024, oo ah shir ku saabsan amniga macluumaadka Tiknoolijiyadda kaas oo ka dhacaya San Francisco, California.

Washington – Xildhibaanadda Georgia, Marjorie Taylor Greene ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u keeni doonto todobaadkan mooshin xilka looga qaadayo afhayeenka aqalka Mareykanka Mike Johnson .

New York – Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa wada tashiyo ka yeelanaya xaaladda Bariga Dhexe iyo qaddiyadda Falastiiniyiinta.

RUUSHKA

Moscow – Wasiirka arrimaha dibadda Sergey Lavrov ayaa la kulmaya dhiggiisa dalka Sierra Leone, Timothy Musa Kabba.

UZBEKISTAN

Tashkent – Shirki 9-aad ee Guddiga Iskaashiga Dhaqaalaha ee dowladaha Uzbekistan iyo Hungary ayaa la qaban doonaa labada maalin ee soo socota.

SINGAPORE

Singabuur- Boqorka Malaysia Sultan Ibrahim Iskandar ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagaya dalka Singapore. Tani waa booqashadiisii ugu horreysay ee uu dibadda ugu baxo tan iyo markii uu kursiga boqortinimada ku fadhiistay 31-kii January ee sannadkan

PAKISTAN

Islamabad – Pakistan iyo Sacuudiga ayaa lagu wadaa in ay kala saxiixdaan heshiisyo ku saabsan arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga.

Wafdi ballaaran oo ka socda Sacuudiga ayaa hadda ku sugan Pakistan si ay heshiisyada u dhameystiraan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here