Sunday, September 8, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

HUNGARY

Budapest – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa wada hadal kula yeelanaya magaalada Budapest Ra’iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orban.

US

Washington – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Aqalka Cad ku marti qaadi doona kooxda kubadda Koleyga ee Las Vegas Aces si ay ugu dabaal degaan xilli ciyaareedkoodi cajiibka ahaa iyo guushii ay ka gaareen Final-ka WNBA 2023.

Kadib Madaxweynuhu wuxuu booqan doonaa California, halkaas oo uu kaga qayb galayo laba xafladood oo ku saabsan ololihiisa doorashada.

Washington – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa khudbad ka jeedinaya xafladda ku dhawaaqista Abaalmarinta Cunnada Adduunka ee lagu qabnayo xarunta wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Washington – Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Isbeddelka Cimilada Liu Zhenmin ayaa Washington u tagay shirka Kooxda Wadashaqeynta ee laba geesoodka ah ee ku saabsan Horumarinta Wax ka qabadka Cimilada.

IMAARAADKA

Abu Dhabi – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Imaaraadka Carabta.

RUUSHKA

Moscow – Bandhig ciidan ayaa lagu qabanaya fagaaraha cas si loo xuso guushii Midowgii Soofiyeeti uu ka gaaray Jarmalka dagaalkii labaad ee adduunka.

Moscow – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la kulmi doona madaxda dalalka Cuba, Miguel Diaz-Canel, Lao, Thonglong Sisulit iyo Guinea-Bissau, Oumaru Sisoku Embalo.

UKRAINE

Kyiv – Ukraine waxaa markii ugu horeysay looga dabaal degay Maalinta Yurub, kadib markii Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy uu soo saaray wareegto lagu waafajinayo maalmaha fasaxa wadamada kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub.

DR CONGO

Goma – Iska horimaad culus oo u dhexeeya fallaagada M23 iyo ciidamada Congo ayaa weli ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, iyada oo fallaagadu ay kusii siqeyso magaalada Sake, oo u dhow Goma oo ah magaalada ugu wayn bariga dalkaas.

PAKISTAN

Islamabad – Xisbiga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa qorsheynaya inuu qabto mudaaharaadyo ka dhacaya dalka oo dhan ah 9-ka May.

Imran Khan ayaa lagu xakumay sanado badan oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq, inkasta uu dafiray dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay kuna tilmaamay qorshe la doonayo in looga saaro xeyndaabka siyaasadda.

CIYAARAHA

Leverkusen – Lugta labaad ee semi-finalka UEFA Europa League ayaa caawa la ciyaaraya iyada oo Bayer Leverkusen ay gurigeeda ku wajihi doonto Rome. Leverkusen ayaa lugtii 1-aad 2-0 uga badisay Rome.

Bergamo – Kooxda kubadda cagta Talyaaniga ee Atalanta ayaa la ciyaari doonta Olympique Marseille lugta 2-aad ee semi-finalka Europa League ka dib markii ay barbaro 1-1 ah wada galeen lugti 1-aad ee lagu ciyaaray Faransiiska.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here