Sunday, September 8, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Falastiin

Gaza- Ciidamada Israel ayaa howlgal militeri ka wada magaalada Rafah ee koonfurta marinka Gaza, waxaana ka qaxay magaalada ku dhawaad 150,000 oo Falastiiniyiin, sid ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA).

Duulaanka Israel ee soo billaawday bishii October ee la soo dhaafay, waxaa ku dhintay ku dhawaad 35,000 oo qof halka in ka badan 78,500 oo kalena ay ku dhaawacmeen iyada oo dadka ku nool marinka Gaza ay qarka u saaranyihiin inay macluul u dhintaan.

Ramallah – Dhanka kale weerarada ay ciidamada Israel ka fuliyeen Daanta Galbeed tan iyo 7-dii October, waxaa ku naf waayay ku dhawaad 500 oo Falastiiniyiin ah, halka uu dhaawac soo gaaray ku dhawaad 4,950, waxaana xabsiyada loo taxaabay in ka badan 8,677.

ISRAEL

Tel Aviv -Gudaha Israel waxaa ka socda mudaaharaadyo ballaaran oo lagu dalbanayo xabbad joojin iyo in xukuumadda Israel ogolaato is dhaafsiga maxaabiista.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Netanyahu ayaa lagu dhaliilay in ay dhagaha ka fureystay codsiga muwaadiniinteeda iyo baaqyada caalamiga ah, si loo soo gabagabeeyo dagaalka Gaza.

Kooxda Xamaas ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah dadkii ay haysteen oo u dhashay dalka Ingiriiksa inuu ku dhintay duqeyn ay ciidamada Israel la beegsadeen goobti uu ku xirnaa.

MASAR

Qaahira – Dowladaha Masar iyo Qatar ayaa u kala dab qaadaya labada dhinac ee Israel iyo Xamaas si loo gaaro xabbad joojin. Kooxda Xamaas ayaa hore u ogolaatay soo jeedinta dowladaha ku jira dhaxdhaxdinta laakin waxaa ka biya diiday Israel.

AFGHANISTAN

Kabul – Boqolaal qof ayaa ku dhintay, khasaaro hantiyadeedna waa ka dhashay, ka dib markii daadad xooggan ay ku dhufteen gobollada waqooyi iyo waqooyi bari ee dalka Afghanistan.

CIYAARAHA

Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda ku marti galin doonta kooxda Arsenal kulanka 37-aad ee horyaalka premier League. Arsenal ayaa labo dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka haysa ee Manchester City iyada oo leh 85 dhibcood.

Natiijada kulankan ayaa loo arkaa in ay saameyn ku yeelan doonta tartanka horyaalka premier League oo ay isagu soo hareen Manchester City iyo Arsenal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here