Sunday, September 8, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

TÜRKIYE

ANKARA – Madaxweynha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilaya Ra’iisul wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay shir jaraa’id wada qabtaan ka dib markii ay kulmo wada qaataan wafdiga Giriigga iyo mas’uuliyiinta Turkiga.

Falastiin

Qaza – Ciidamada Israel ayaa howlgal militeri ka wada magaalada Rafah ee koonfurta marinka Gaza, waxaana ka qaxay magaalada ku dhawaad 150,000 oo Falastiiniyiin, sid ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA).

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale gudaha u galay dhanka koonfureed ee magaalada Qaza iyo bariga Khan Younis, halkaas oo ay ka fuliyeen duqeymo xooggan oo sababay dhimasho iyo dhaawac tira badan. Duqeyn culus iyo madaafiic ayaa lagu garaacay Xerada qaxootiga ee Jabaaliya, waxayna ku qasabtay kumanaan qof in ay u cararaan dhanka galbeed ee Gaza.

Duulaanka Israel ee soo billaawday bishii October ee la soo dhaafay, waxaa ku dhintay ku dhawaad 35,000 oo qof halka in ka badan 78,500 oo kalena ay ku dhaawacmeen iyada oo dadka ku nool marinka Gaza ay qarka u saaranyihiin inay macluul u dhintaan.

Ramallah – Dhanka kale weerarada ay ciidamada Israel ka fuliyeen Daanta Galbeed tan iyo 7-dii October, waxaa ku naf waayay ku dhawaad 500 oo Falastiiniyiin ah, halka uu dhaawac soo gaaray ku dhawaad 4,950, waxaana xabsiyada loo taxaabay in ka badan 8,710.

ISRAEL

Tel Aviv – -Gudaha Israel waxaa ka socda mudaaharaadyo ballaaran oo lagu dalbanayo xabbad joojin iyo in xukuumadda Israel ogolaato is dhaafsiga maxaabiista.

Kooxda Xamaas ayaa hore u ogolaatay soo jeedinta dowladaha ku jira dhaxdhaxdinta laakin waxaa ka biya diiday Israel.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Netanyahu ayaa lagu dhaliilay in ay dhagaha ka fureystay codsiga muwaadiniinteeda iyo baaqyada caalamiga ah, si loo soo gabagabeeyo dagaalka Gaza.

Masar

Qaahira – Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday in ay kuu biireyso dacwada la xiriirta xasuuqa ay Isarel ka gaystay Gaza oo ay Koonfur Afrika u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

US

Washington – Warbixin kasoo baxday Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Israel aysan u dhaqmin si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini aadantinimada, inti ay kugu jirtay dagaalka ay ku qaaday Gaza.

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka doodaya xaaladda Yemen. Ergeyga gaarka ah ee Yemen Hans Grundberg iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee arrimaha bini’aadantinimada Martin Griffiths ayaa si buuxda uga warbixin doona xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Yemen.

SWEDEN

Stockholm – Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa la kulmi doona madaxda Denmark, Finland, Iceland, Norway iyo Sweden si uu ugala hadlo isbedelada gobolka iyo arrimaha amniga caalamiga ah.

GREECE

Athens – Ardayda Giriiga ayaa la filayaa inay teendhooyin ka dhistaan hareeraha xarunta dhexe ee Jaamacadda Athens si ay u garab istaagaan Falastiiniyiinta iyo ardayda mudaaharaayada ka dhigaysa Ameerika iyo Yurub.

NIGERIA

Abuja – Hay’adaha ammaanka ee Nigeria ayaa baadi goob ugu jira in ka badan 100 qof oo ay afduubteen rag hubaysan habeenimadii Jimcaha kadib markii ay weerar ku qaadeen saddex tuulo oo dhaca waqooyi-galbeed ee dalkaas.

SHIINAHA

Beijing – Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Pakistan Maxmed Isxaaq ayaa booqasho ku tagaya Shiinaha, iyada oo la qorsheynayo in labad dal ay yeeshaan wareegii 5-aad ee wada hadalka istiraatiijiyadeed.

Beijing – Ra’iisul wasaare ku xigeenka Shiinaha Liu Guozhong ayaa booqan doona dalalka Uzbekistan, Kazakhstan iyo Kyrgyzstan, wuxuuna ka qayb gelaya shirka 7-aad ee guddiga iskaashiga dowladaha Shiinaha iyo Uzbekistan.

PAKISTAN

Islamabad – Maxkamadda sare ee Islamabad ayaa sii wadi doonta dhageysiga racfaanka uu qaatay ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ee ka dhanka ah xukunadii tirada badnaa ee lagu riday markii lagu eedeeyay masuqmaasuq.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here