Sunday, September 8, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

IRAN
Tehraan – Madaxweynaha ku xigeenka dalka Iran, Maxamed Mukhbir ayaa lagu waaa inuu sii noqdo sii haya jagada madaxweynaha ee dalkaas inta laga qabanayo doorashada madaxtinimo muddo 50 maalin ah.

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynihii Iran Ibraahim, Raisi iyo mas’uuliyiin kale uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyi-galbeed ee dalkaas galabnimadii Axadda.

TÜRKIYE

Ankara – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shir guddoomin doona shirka golaha wasiirrada, iyada oo diiradda lagu saari doono kulanka arrimaha gudaha iyo dibadda, gaar ahaan dagaalka Gaza.

UK

London – Maxkamadda sare ee Ingiriiska ayaa la filayaa in ay xukun ka soo saarto codsigii aasaasaha WikiLeaks, Julian Assange ee ahaa in uu racfaan ka qaato in loo gacan geliyo Mareykanka.

Garsooraha maxkamada sare Jonathan Swift ayaa si kaligiis ah u diiday racfaanka dhiibista Assange bishii Juun 2023. Racfaan kama dambeys ah ayay maxkamaddu ogolaatay bishii December ee sanadkii hore.

Xukunka ayaa dib loo dhigay 26-kii March, ka dib markii maxkamaddu ay Mareykanka ka dalbatay dammaanad ah in aan la toogan doonin Assange.

GREECE

Athens – Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Saamex Shoukry ayaa booqan doona Athens si uu ula kulmo dhiggiisa Giriigga, George Gerapetritis.

KAZAKHSTAN

Astana – Caasimadda Kazakhstan ee Astana ayaa martigelineysa shirka Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Shanghai.

US

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeynaya qaraar qabyo ah oo ku saabsan ka hortagga tartanka hubka ee hawada sare kaasoo uu soo jeediyay Ruushka.

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeelanaya kulan looga hadlayo xaaladda Bariga Dhexe, gaar ahaan xiisadda ka taagan dhulka Falastiin.

PAKISTAN

Islamabad – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan oo booqasho laba maalin ah ku jooga Pakistan ayaa la kulmi doona Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo dhiggiisa Isxaaq Dar.

SHIINAHA

Beijing – Wasiirka Maaliyadda Sacuudi Carabiya Maxamed Al-jadcaan ayaa wada-hadallo heer- sare ah la yeelan doona dhiggiisa Shiinaha iyo mas’uuliyiin kale inta uu ku guda jiro booqasho 2 maalmood ah.

TAIWAN

Taipei – William Lai Ching-te ayaa loo caleemasaaray inuu noqdo madaxwaynihii sideedaad ee Taiwan, wuxuuna ugu baaqay dowladda Shiinaha wada hadal iyo wada noolaansho.

INDIA

Srinagar –Codeynta Wajiga labaad ee doorashada baarlamaanka Hindiya ee gobolka Kashmir ayaa lagu wadaa in ay billaabato, iyada oo ay tartanka ka qayb qaadanayaan siyaasiyiin iyo xildhibaano hore oo xabsiga ku jira.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here