Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

FALASTIIN

Qudus- Dowladaha kala ah Norway, Ireland iyo Spain ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u aqoonsadeen dowladnimada Falastiin laga bilaabo 28-ka May.

Tan iyo bartamihii bishii April, Ra’iisul Wasaaraha Spain ayaa hogaaminayay olole ay wadeen dowlado Yurub ah si ay isugu dayaan in ay u abaabulaan taageerada aqoonsiga dowladda Falastiin.

Falastiin waxaa hore dowlad ahaan u aqoonsanday marka la eego qaaradda Yurub 8 dowladood oo ka tirsan Midowga Yurub, kuwaas oo kala ah Bulgaria, Poland, Czechia, Romania, Slovakia, Hungary, Qubrus, iyo Sweden

US

Washington – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Aqalka Cad kula kulmi doona Madaxweynaha Kenya William Ruto. Biden iyo Ruto ayaa sidoo kale kulan la qaadan doona hoggaamiyaalka ganacsatada.

New York – Ergada Jordan, Kuwait iyo Slovenia ee Qaramada Midoobay ayaa warbaahinta uga warbixin doonta ballan qaadyada wadajirka ah ee la xiriira howlaha hay’adda qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).

GERMANY

Berlin- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa martigelin doonta dhiggeeda dalalka Faransiiska iyo Poland, Stephane Sejourne iyo Radoslaw Sikorski, iyada oo kala hadi doonta arrimihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka.

SPAIN

Madrid – Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa hortegi doona golaha baarlamaanka ee aqalka hoose, si uu uga jawaabo eedeymaha loo haysto xaaskiisa ee la xiriira musuqmaasuqa.

ALBANIYA

Tirana – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain David Cameron ayaa booqanaya Albania, isasga oo wada hadal la yeelan doona Ra’iisul Wasaare Edi Rama, Madaxweyne Bajram Begaj iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Igli Hasani.

KENYA

Nairobi – Duufaanta Laly ayaa la filayaa in ay gaarto dalka Kenya oo ay dhawaan ku dhufteen daadad xoogan oo galaaftay nolosha in ka badan 200 oo qof.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Ololaha doorashada ee Koonfur Afrika ayaa soo xoogeystay, iyada oo ay Xisbiyadu ballan qaadayan wax ka qabashada dhaqaalaha, shaqo la’aanta iyo dambiyada kala duwan ee ka dhaca dalka.

SHIINAHA

Beijing- Ra’iisul wasaare ku xigeenka Malaysia Axmed Zaahid bin Xamiidi ayaa booqasho 10 maalmood qaadaneysa ku tagaya dalka Shiinaha, isaga oo la kulmi doono mas’uuliyiinta Shiinaha oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Li Qiang.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here