Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

FALASTIIN

Gaza –Ciidamada Israel ayaa sii wada howlgalkooda militeri ee ay ka fulinayaan magaalada Rafax ee koonfurta marinka Qaza, waxeyna isku ballaariyeen marinka loo yaqaano Philadelphi Corridor ee u dhaxeeya magaalada Gaza iyo Masar.

Ciidmada Isarel ayaa sidoo kale gaaray dhanka galbeed ee xerada qaxootiga Yibna ee bartamaha Rafax.

Weerarka Israel ee magaalada Gaza oo galay maalintii 232-aad, waxaa ku dhintay in ka badan 35,800 oo qof waxana ku dhaawacmay ku dhawaad 80,200.

Iska horimaadyada u dhaxeeya kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta iyo ciidamada Israel ayaa ka socda gooba badan oo ka tirsan magaalada Gaza sida xaafadda Jabaaliya ee ku taal waqooyiga iyo Rafax oo ah koonfurta marinka Gaza.

Ramallah – Weerarka ciidamada Israel ee Daanta Galbeed, waxaa sidoo kale ku dhintay tan iyo 7-dii Ocotober, 2023, ugu yaraan 517 Falastiiniyiin ah, ku dhawaad 5,000 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen, waxaana la xiray ugu yaraan 8,815, sida laga soo xigtay ilo Falastiiniyiin ah.

ISRAEL

Tel Aviv – Dibadbaxyada ka socda magaalooyinka Israel ayaa weli sii wada cadaadis ay ku saarayaan xukuumadda inay is casisho ama in ay wada hadal la gasho kooxda Xamaas si la isku dhaafsado maxaabiista labada dhinac

Madaxda Israel ayaa caro ka muujisay go’aanka maxkamadda Adduunka ee lagu amray Israel in ay joojiso duullaanka Rafax sidoo kalena ay ogolaato in guddi xaqiiqa raadin loo diro Gaza si loo baaro wixii dhacay.

MASAR

Qaahira- Agaasimaha CIA-da Mareykanka William Burns ayaa la kulmi doona madaxa Mossad-ka Israel iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar si ay uga hadlaan dib u billaabidda wada hadallada xabbad-joojinta dagaalka Gaza iyo is dhaafsiga maxaabiista .

KASHMIR

Srinagar – Wajigii ugu dambeeyay ee doorashada baarlamaanka Hindiya ee gobolka Kashmir ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo maanta oo Sabti ah.

PAPUA NEW GUINEA

Port Moresby – in ka badan 100 qof ayaa Jimcihi ku dhintay dalka Papua New Guinea, kadib markii uu dhulka la go’ay.

Papua New Guinea waa jasiirad ay ku noolyihiin ku dhawaad 10 milyan oo qof, waxeyna ku taal koonfurta badweynata Pacific-ga

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Waddamada Qaaradda Afrika ayaa laga xusayaa maalinta Afrika, taas oo ku beegan 61 sano kaddib markii dhidibada loo taagay Ururka Midowga Afrika (OAU).

Johannesburg – Xisbiyada siyaasadeed ee Koonfur Afrika ayaa billaabay qaybtii ugu dambaysay ee ololaha doorashda, iyada oo la filayo in dhawaan ay dalkaas ka dhacdo doorasho uu caalamku indhaha ku hayo.

CIYAARAHA

London – Kooxda ku guuleysatay horyaalka England ee Manchester City ayaa galabta la ciyaari doonta kooxda Manchester United finalka koobka FA Cup-ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here