Sunday, September 8, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

BELGUIM

Brussels- Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ka qeyb galaya shirar looga hadlayo arrimaha Falastiin iyo xaaladaha bini aadatinimo ee ka taagan marinka Gaza.

Hakan ayaa sidoo kale dadaal ugu jiraa sidii dowlado kale oo Yurub ah u aqoonsan lahaayen dowladnimada Falastiin.

PAPUA NEW GUINEA

Port Moresby – Gobolka Mulitaka ee dalka Papua New Guinea, waxaa ku dhintay in ka badan 300 oo qof kadib markii uu dhulka la go’ ay. Wali waxaa socda baadi goobka dad kale oo la rumaysanyahay in ay wax yeello kasoo gaartay dhibaatada ka dhacday dalkaas maalintii Jimcaha.

Papua New Guinea waa jasiirad ay ku noolyihiin ku dhawaad 10 milyan oo qof, waxeyna ku taal koonfurta badweynata Pacific-ga

BURKINA FASO

Ka qaybgalayaasha wada hadallada qaran ee dalka Burkina Faso ayaa isku raacay in muddo shan sano ah loo kordhiyo maamulka millatariga ah ee uu hoggaamiyo madaxweynaha kumeel-gaarka ah Ibraahim Traoré.

KUURIYADA KOONFUREED

Seoul- Markii ugu horeysay muddo 5 sano ah ayaa lagu wadaa in berito oo isniin ah ay kulan saddex geesood ah yeeshaan mas’uuliyiin ka kala socda dalalka Shiinaha, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saari doono arrimaha dhaqaalaha iyo in laga fogaado wax kasta oo halis gelin kara xasiloonida iyo amniga gobolka.

GERMANY

Berlin- Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta oo Axad ah ku tagaya dalka Jarmalka booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex maalmood ah.

Labada quwadood ee ugu waaweyn Midowga Yurub ayaa doonaya inay muujiyaan midnimo ka hor doorashada baarlamaanka Midowga Yurub ee la qorsheeyay inay dhacdo bisha soo socota.

Waa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Faransiis ah uu ku tago Jarmalka muddo 24 sano ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here