Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

UK

London – Magaalada London waxaa ka socda mudaaharaadyo looga soo horjeedo weerarka israel ee Rafax. Dadka isku soo baxay ayaa dalbanaya in la joojiyo dagaalka ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ku sugan marinka Gaza.

ICELAND

Reykjavik – Dadka Iceland ayaa u codaynaya madaxweyne cusub oo xilka hayn doona muddo afar sano ah. Doorashadii u dambaysay ee la qabtay June 27, 2020, Guoni Th. Johannesson ayaa helay 92% codadkii la dhiibtay.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Guddiga doorashada ee Koonfur Afrika ayaa la filayaa in ay soo gabagabeeyaan tirinta codadka doorashooyinkii dalkaas ka dhacay Arbacdii lasoo dhaafay.

Xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ayaa helay 41.4% codadkii la tiriyay ilaa iyo hadda oo gaaraya 81.5% guud ahaan codadkii la dhiibtay.

SUUDAAN

Khartoum- 19 Hay’adood oo ka shaqeeya samafalka ayaa ka digay macaluul ku soo fool leh dalka Suudaan, haddii ay dhinacyada iska soo horjeeda ay ogolaa waayaan in kaalmo la gaarsiiyo dadka dhibaateysan.

JABUUTI

Jabuuti- Jabuuti ayaa markale cambaareysay weerarada ciidamada Israel ay ka fulinayaan marinka Gaza oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad fara badan oo rayid ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in Israel lagula xisaabtamo xasuuqa ay ka gaysatay Gaz sidoo kalena lagu qabso in ay si degdeg ah u joojiso howlgalladda ay ka waddo Gaza.

MONGOLIA

Ulan-Bator – Madaxweynaha Belarus Aleksandr Lukashenko ayaa booqasho afar maalmood ah ku tagaya dalka Mongolia.

CIYAARAHA

London- Kooxaha Real Madrid iyo Borussia Dortmund ayaa caawa isaga hor imaan doona finalka UEFA Champions League ee ka dhacaya garoonka Wembley ee magaalada London.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here