Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

GERMANY

Bonn – Magaalada Bonn ee dalka Jarmalka waxaa ka billaawday shirka heshiiska Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada

SWITZERLAND

Geneva – Wakiilo ka ka kala socda 187 waddan oo xubno ka ah Ururuka Shaqaalaha Adduunka ayaa ku shiraya magaalada Geneva si wax loo qabto ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, saamaynta isbeddelka cimilada, khataraha soo wajaha noolaha, daryeelka iyo mabaadi’da aas-aasiga u ah xuquuqda shaqada.

MONGOLIA

Ulanbaatar – Madasha ganacsiga ee Belarus iyo Mongolia ayaa ka dhici doonta magaalada Ulaanbaatar iyada oo ay ka qayb galayaan madaxweynayaasha labada dal.

US

Washington – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka qayb gelaya xafaladda ololihiisa doorashada ee Connecticut, Biden ayaa lagu wadaa inuu sharraxaad ka bixiyo qorshaha xabbad joojinta dagaalka Gaza ee uu dhawaan shaaciyay.

New York – Safiirka Koonfurta Kuuriya u fadhiya Qaramada Midoobay, Hwang Joon-kook ayaa warbaahinta uga warbixiyey shaqada hortaala Golaha Ammaanka bishan June.

NIGERIA

Abuja – Shaqaalaha dalka Nigeria ayaa bilaabaya shaqo joojin aan la cayimin inta ay socon doono, iyaga oo ka cabanaya go’aanka ay dowladdu ku diiday in la kordhiyo mushaharka shaqaalaha.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – 26 xisbi oo ka shakisan natiijada doorashada Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in dacwad u gudbiyaan maxkamadda dalkaas.

SHIINAHA

Beijing – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa wada hadal kula yeelanaya dhiggiisa Shiinaha magaalada Beijing ee caasimadda dalkaas.

FILIPIIN

Manila – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Filibiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here