Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

IRAN

Tehran – Muddaddii diiwaan gelinta musharraxiinta madaxtinimada Iran ayaa dhamaatay, iyada oo ay is diiwaan geliyeen ilaa 80 musharrax.

Musharrixiinta ugu cad cad waxaa safka hore uga jira Cali Larijani oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Golaha Shuurada, Siciid Jalili oo ahaa xoghayihii hore ee Golaha amniga qaranka, Maxamed  Baqer Qalibaf, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamuud Axmadi Najad.

Guddiga doorashada Iran ayaa hore u shaaciyay in doorashada la qaban doono 28-ka June, iyada oo madaxweynaha la doorto la caleema saari doono 8-da July.

TÜRKIYE

ANKARA – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shir guddoomin doona shirka golaha wasiirrada, ka dibna waxa uu shacabka uga warbixin doona arrimaha gudaha iyo dibadda oo ay ku jirto xaaladda marinka Gaza.

UK

London – Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak iyo hogaamiyaha xisbiga Labour-ka, Keir Starmer ayaa isku wajihi doona doodii ugu horeysay ee telefishinka laga sii daayo ee ku saabsan doorashada soo socota ee 4-ta July.

US

Washinton – Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa lagu wadaa in uu u codeeyo in cunaqabteyn lagu soo rogo Maxkamadda Damabiyada Caalamiga, ka dib markii ay dalbatay in la soo xiro Madaxda Israel ee lagu eedeeyay inay gaysteen dambi dagaal .

Aqalka Cad ayaa ka soo horjeestay qorshahan ay dabada ka riixayaan xildhibaanada Jamhuuriga ah, wuxuuna caddeeyay in cunaqabateyn la saaro Maxakamadda aysan xal ahayn.

Washington – Cod-bixiyayaasha Mareykanka ayaa u dareeraya goobaha codbixinta ee doorashooyinka hordhaca ah ee gobollada Montana, New Jersey, New Mexico, iyo South Dakota.

Washington – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa in uu saxiixo amar lagu xirayo soohdinta Mareykanka uu la wadaago Mexico si ku meel gaar ah, si looga gaashaanto qulqulka tahriibayaasha.

SHIINAHA

Beijing – Madaxweyne-ku-xigeenka Brazil Geraldo Alckmin ayaa booqasho shan maalmood ah ku jooga Shiinaha, wuxuuna wada hadallo kala duwan la yeelanaya mas’uuliyiinta dalkaas.

KOONFURTA KUURIYA

Seoul – Kuuriyada Koonfureed ayaa martigelinaysa shir madaxeedkii ugu horreeyay oo ay la yeelato waddamada Afrika. 2-maalmood ayuu socon doona shirka waxaana diiradda lagu saaraya sidii labada dhinac ay u yeelan lahaayeen iskaashi xoogan iyo wadashaqayn toos ah.

PAKISTAN

Islamabad – Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa billaabay booqasho uu ku tagayo dalka Shiinaha oo qaadan doonta shan maalin, iyada oo ay labada dal si rasmi ah u billaabi doonaan wejiga labaad ee Waddada Dhaqaalaha Shiinaha iyo Pakistan.

NIGERIA

Abuja – Dowladda Nigeria ayaa laga filayaa in ay ka jawaab ka bixiso shaqao joojinta ay ku dhawaaqeen shqaalaha dalkaas, taas oo curyaamisay habsami u socodka howlihii gaadiidka dadweynaha, iskuulada, iyo korontada.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Dalka Koonfur Africa, Roobab xoogan oo sababi kara dhibaato ayaa la filayaa inay ka da’aan gobolka xeebta bari ee KwaZulu-Natal, maalin kadib markii 7 qof ay ku dhinteen daadad ku dhuftay gobolka Eastern Cape.

Johannesburg-Xisbiga talada haya ee Koonfur Africa ayaa bilaabay wada xaajoodyo gooni gooni ah oo uu la yeelanayo xisbiyada mucaaradka ah si loo soo dhisayo xukuumad cusub, kadib markii uu ku guul daraystay in uu helo 51% doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaas.

ITOOBIYA

Addis-ababa- Dowladda Itoobiya ayaa la filayaa inay jawaab ka bixiso wararka sheegaya in Soomaaliya ay dalkeeda ka saari doonto ciidamada Itoobiya ee nabad ilaalinta u jooga gudaha Soomaaliya, haddii aanay meesha ka saarin heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay la gashay Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here