Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

TÜRKIYE

Ankara – Madaxweyne ku xigeenka Turkiga, Cevdet Yilmaz ayaa ka qayb gelaya munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska iskaashiga dhaqaalaha ee Turkiga ee Waqooyiga Qubrus kadibna waxa ay shir jaraa’id wada qaban doonaan Ra’iisul Wasaaraha Waqooyiga Qubrus Unal Ustel.

GERMANY

Berlin – Hoggaamiyaha Jarmalka, Olaf Scholz ayaa furi doona bandhigga ILA Berlin, oo ah bandhigga ganacsiga dayax gacmeedka ee ugu weyn dalkaas.

Berlin- Wasiirka Difaaca Jarmalka Boris Pistorius ayaa lagu wadaa inuu hortago Baarlamaanka si su’aalo looga waydiiyo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo dibaddiisa , gaar ahaan dagaallada ka socda Ukraine iyo Gaza.

FRANCE

Paris – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqasho shan maalmood ah uga billaabatay dalka Faransiiska, waana booqashadiisii ​​ugu horreysay ee uu ku tago dalkaas tan iyo markii uu madaxweyne noqday.

SWITZERLAND

Geneva – Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO) ayaa qabanaysa shir jaraa’id oo ku saabsan saadaasha cimilada adduunka ee 5-ta sano ee soo socota. Waxaa jirta suurtagalnimo ah 80% in celceliska heerkulka caalamiga ah uu kor ugu kici doono 1.5°C sannadkii.

Geneva – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa soo saari doonta cilmi-baaris ku saabsan sida isbeddelka cimiladu u saameeyo caafimaadka haweenka uurka leh, carruurta, iyo waayeelka.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Hay’adda cimilada ee Koonfur Afrika ayaa ka digtay roobabka mahiigaanka ah ee kusoo wajahan gobolka xeebta ah ee KwaZulu-Natal, halkaas oo ay 11 qof hore ugu dhinteen daadad xoogan.

Johannesburg- Mas’uuliyiinta Xisbiga talada haya ee Koonfur Afrika ayaa ka shiraya sidii ay go’aan uga gaari lahaayeen xisbigii ay la sameyn lahaayeen isbahaysi si ay usoo dhisaan xukuumad wadajir ah.

RWANDA

Kigali – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov oo booqasho ku maraya qaar ka mid ah dowladaha Afrika ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Kigali ee dalka Rwanda kadib dalalka Guinea iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

NIGERIA

Abuja – Dalka Nigeria, malaayiin qof ayaa lagu wadaa in ay dib ugu soo laabtaan shaqada ka dib markii ururada shaqaalaha ay ku dhawaqeen inuu dhamaaday shaqa joojintii ay hore ugu baaqeen.

INDIA

New Delhi -Isbahaysiga Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka India ayaa ku guuleystay markii saddeexaad oo xiriir ah doorashada guud ee dalkaas.

PAPUA NEW GUINEA

Enga – Dalka Papua New Guinea, waxaa wali socda baadigoobka 2,000 oo qof oo la la’yahay ka dib markii uu dhul la go’ay.

WAQOOYIGA KUURIYA

Pyongyang- Waqooyiga Kuuriya ayaa laga filaya in ay jawaab ka bixiso go’aanka ay Koonfurta Kuuriya ku hakisay heshiiskii 2018-ka ee yareynta xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Koonfurta Kuuriya ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka billaawday xadka ay labada dal wadaagaan kadib shan sano oo ay xasilooni ka jirtay xadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here