Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

TÜRKIYE

Ankara – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa dhiggiisa dalka Uzbekistan Shavkat Mirziyoyev ku soo dhaweeyay xaflad rasmi ah oo ka dhacday xarunta madaxtooyada dalkaas.

Erdogan iyo Mirziyoyev ayaa ka qayb gelaya shirka golaha istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo -Uzbekistan, oo lagu kala saxiixan doono heshiisyo dhowr ah.

YURUB

Amsterdam – Muwaadiniinta dowladaha ku mideysan Midowga Yurub ayaa u dareeray goobaha cod bixinta si ay usoo doortaan 720-ka Xubnood ee Baarlamaanka Yurub oo mudda xileedkoodu yahay muddo shan sano ah.

Waqtiga cod bixintu waa kala duwanaan karaa balse waa in ay doorashadu ku dhacdaa afar maalmood gudahood oo billabaneysa maanta oo Khamiis ah ilaa Axadda.

FRANCE


Paris – Ra’iisul wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron. Iibka diyaaradaha dheereeya iyo doorashooyinka Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ugu muhiimsan arrimaha ay kawada hadlayaan labada mas’uul.


UK

Belfast – Dhakhaatiirta cusub ee Waqooyiga Ireland oo xubno ka ah Ururka Dhakhaatiirta Ingiriiska (BMA) ayaa ku guda jira shaqo joojin laba maalmood ah iyaga oo ka cabanaya arrimo la xiriira mushaaraadkooda.

RUUSHKA

St. Petersburg – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa wada-hadallo gooni-gooni ah la qaadanaya dhiggiisa dalalka kala ah Bolivia, Zimbabwe iyo Bosnia kuwaas oo ka qeyb galaya meertada 27-aad ee Madasha Dhaqaalaha Caalamiga ah ee St. Petersburg.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg -Xisbiga African National Congress ee Koonfur Afrika ayaa sii wada gorgortanka lagu soo dhisayo dowlad midnimo qaran ah kadib markii uu lumiyay aqlabiyadda Baarlamaanka.

DR CONGO

Goma -Xaaladda bini’aadantinimo ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa laga soo dayrinaya iyadoo kumannaan qof ay ka barakaceen guryahoodii colaadaha socda dalkaas awgeed.

NIGERIA

Abuja – Hay’adaha samatabbixinta dalka Nigeria ayaa dadaal ugu jira sidii loosoo badbaadin lahaa 30 qof oo ku xayiran god ay ka raadinayeen macdin kadib markii uu ku dumay.

US

New York -Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa khudbad ka jeedin munaasabadda xuska sanadlaha ah ee lagu sharfayo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee naftooda ku waayay gudashada waajibaadkooda.

Qaramada Midoobay ayaa sannadkan ku waysay shaqaala badan dagaalka ka socda Gaza.

New York – Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa maanta dooranaya shanta dowladood ee aan joogtada ahayn ee ka mid noqonaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Soomaaliya, Denmark, Greece, Panama, iyo Pakistan ayaa la dooranaya, iyada oo ay Mareykanka, Ingiriiska, China, UK, France, iyo Russia ay yihiin xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood.

BANGLADESH


Dhaka – Xukuumadda Bangladesh ayaa soo bandhigi doonta miisaaniyadii ugu horeysay, oo gaareysa ilaa $67.5 bilyan, tan iyo markii dib loo doortay Ra’iisul Wasaare Sheikh Hasina horaantii sannadkan.

Sannad-maaliyadeedka dalka Bangladesh ayaa bilaabanaya July wuxuuna dhammaanayaa June sannadka soo socda.

AUSTRALIA

Canberra – Xukuumadda Australia ayaa laga sugaya in ka jawaabto codsiga 26 xildhibaan oo ku saabsan in ay taageerto baaritaanka Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ka dhanka ah mas’uuliyiinta Israel ee lagu eedeeyay in ay dambiyo dagaal ka gaysteen Gaza.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here