Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

FRANCE

Paris – Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu soo gabagabeeyo 9-ka bishan booqashadiisii ​​ugu horaysay ee uu ku tago dalka Faransiiska.

UK

London- Dibadbax lagu taageerayo Falastiin ayaa ka dhacaya bartamaha London, iyada oo ay dadweynuhu ku baaqayaan xabbad-joojin ka hirgasha Gaza iyo in la la joojiyo hubka la siiyo Israel.

SHIINAHA

Xi’an- Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa booqan doona magaalada Xi’an ee bartamaha dalka Shiinaha isagoo soo gabagabeynaya booqasho uu ku joogay dalkaas oo qaadatay muddo shan maalin ah.

TÜRKIYE

Istanbul – Shir aan caadi ahayn ayay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Kooxda Siddeeda ah ee dalalka Islaamka ku yeelanayan magaalada Istanbul si ay uga hadlaan xaaladda Gaza.

Kooxda Siddeedaad ee dalalka Islaamka ayaa ka kooban Turkiga, Masar, Nigeria, Pakistan, Iran, Indonesia, Malaysia iyo Bangladesh.

Inkasta oo kooxdan la aas-aasay sannadkii 1997 si ay dowladaha xubnaha ka ah isaga kaashadaan dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, hadana waa markii ugu horeysay ee ay shir ka yeeshaan arrin la xiriirta siyaasad iyo dagaal.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Xisbiyada siyaasadda ee dalka Koonfur Afrika ayaa wada-hadallo ka yeelanaya sidii loo soo dhisi lahaa xukuumad wadaag ah maadaama ay suurta geli waysay in hal xisbi helo aqlabiyadda Baarlamaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here