Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

YURUB

BrusselsDoorashadii Baarlamaanka Midowga Yurub ee socotay afartii maalin ee lasoo dhaafaay ayaa lasoo gabagabeeyay, iyada oo ay Xisbiyada Midigta fog guulo ka gaareen.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa kala diray Baarlamaanka dalkiisa, wuxuuna ku dhawaaqay doorasho degdeg ah oo laga soo hormariyay xilligeeda kadib markii Xisbigiisu kala kulmay dharbaaxo kulul doorashooyiinka Baarlamaanka Yurub.

Xisbiga midigta fog ee dalka Faransiiska ayaa guul wayn ka gaaray doorashooyinka kadib markii uu helay % 31.5 codadka doorashada Baarlamaanka Yurub, halka Xisbiga xukuma dalkaas ee Madaxweyne Macron uu kaalinta labaad ku galay natiijo hoose oo gaareysa % 15.2.

GERMANY

Berlin – Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Chile Gabriel Boric, waxeyna ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo dadaallada caalamiga ah ee wax looga qabanayo isbedelka cimilada.

IRAN

Tehran – Wasaaradda arrimaha gudaha ee Iran ayaa soo saartay liiska kama dambeysta ah ee magacyada musharrixiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada ee la qorsheeyay inay dhacdo 28-ka bishan June, ka dib geeridii Madaxweyne Ibraahim Raisi ee 19-kii May.

Golaha qaabilsan kala shaandhaynta musharrixiinta ayaa soo gudbiyay 6 musharrax oo kala ah: Mascuud Pezeshkian, Mustafa Pour Mohammadi, Saciid Jalili, Cali Redaa Zakani, Amiir Xuseen Hashimi, iyo Maxmed Bagher Qalibaf.

TÜRKIYE

Ankara – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la kulmi doona dhiggiisa Azerbaijan Ilham Aliyev oo booqanaya dalka Turkiga.

Labada Madaxweyne ayaa isla eegi doona xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka.

Ruushka

Nizhny Novgorod – Magaalada Nizhny Novgorod ee dalka Ruushka ayaa martigelin doonta shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada BRICS ilaa June 11 halka magaalada St. Petersburg ay martigelin doonta madasha BRICS oo ay ka soo qayb galayaan ururada baarlamaanada Barwaaqo-sooranka maalinta 12-ka June.

ARMEENIYA

Yerevan – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Yurub James O’Brien ayaa booqasho saddex maalmood ah ku tagaya caasimadda Armenia.

US

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya halista falalka aragagisnimo ee ka dhanka ah nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.

Washington – Shabakadda Mareykanka ee NBC ayaa sheegtay, in Maamulka Madaxweyne Joe Biden uu qorshaynayo inuu Xamaas kala xaajoodu sidii ay usoo dayn lahaayeen shan qof oo u dhashay Mareyakanka.

MASAR

Qaahira – Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa gaaray dalka Masar, waana booqashadii siddeed ee uu ku tago Bariga Dhexe tan iyo markii uu billaawday duullaanka Israel ee marinka Gaza.

Ujeedka booqashada Blinken aayaa lagu sheegay sidii loo hirgelin lahaa hindisaha xabbad joojinta dagaalka Gaza ee uu hore ugu dhawaaqay Joe Biden.

KOONFUR AFRIKA

Johannesburg – Xisbiga helay codadkii ugu badnaa ee doorashada Koonfur Afrika ee African National Congress ayaa la filayaa in uu shaaciyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan soo dhisidda xukuumad midnimo qaran ah

NIGERIA

Abuja – 20 qof ayaa lagu dilay weerar ay kooxda Boko Haram ka fuliyeen galbeedka dalka Nigeria, sida ay sheegtay warbaahinta Nigeria oo soo xiganeysa mas’uuliyiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here