Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

FALASTIIN

Gaza- Xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta marinka Gaza ayaa sii xumaaneysa iyada oo ay ciidamada Israel sii wadaan howlgalkooda milatari oo ay ku dhinteen in ka badan 37,200 qof ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad ​​85,000 oo kale tan iyo bishii October ee la soo dhaafay.

Xiisadda Daanta Galbeed

  • Weearada militari ee maalinlaha ah ee ay ciidamada Israel ku qaadayaan magaalooyinka iyo tuulooyinka Daanta Galbeed ayaa sababay dhimashada 538 qof, 5200 oo dhaawac ah iyo in ka badan 9,100 oo lagu xiray xabsiyada Israel tan iyo 7-dii October 2023.
  • Dhinaca kale, waxaa socda wada-hadallo dadban oo u dhaxeeya Israel iyo Xamas si loo gaaro heshiis xabbad joojin ah sidoo kalena la isku dhaafsanayo maxaabiista. Dowladaha dhexdhexaadinta ee kala ah Masar, Qatar iyo Mareykan ayaa isku dayaya in ay isku soo dhaweeyaan labada dhinac si loo hirgeliyo qaraarka xabbad joojinta ee uu meel-mariyay Golaha Ammaanka.

    TALYAANIGA
  • Magaalada Borgo Egnazia ee dalka Talyaaniga waxaa maanta oo Khamiis ah ka furmay shir madaxeedka 50-aad ee wadamada G7 kuwaas oo kala ah Mareykanka, Jarmalka, Faransiiska, Ingiriiska, Talyaaniga, Kanada iyo Japan.
  • Shirka ayaa looga hadlaya dagaalka Ruushka iyo Ukraine, duullaanka Israel ee Gaza, tahriibka, isbedelka cimilada, tamarta iyo dhaqaalaha adduunka.
  • Waa markii toddobaad oo Talyaanigu uu martigeliyo shir madaxeedka G7, isagoo markii ugu horreysay martigeliyay sannadkii 1980-kii, waxaana ugu dambeysay sannadkii 2017-kii.

    SPAIN
  • Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa maanta oo Khamiis ah qaabilay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo booqasho ku tegay dalkaas, si uu uga qayb galo kulnka 8-aad ee madasha dhaqaalaha labada dowladood.
  • Erdogan ayaa lagu wadaa inuu magaalada Madrid kula kulmo boqorka Spain, Felipe VI.

    IRAN
  • Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Stephane Ségourne ayaa ku dhawaaqay sii deynta muwaadin Faransiis ah oo lagu magacaabo Louis Arnault, kaasoo ku xirnaa Iran tan iyo September 2022 kadib markii lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay amniga Iran.

    NORWAY
  • Norway ayaa ku dhawaaqday inay u diri doonto Ukraine gargaar ciidan oo dhan 480 milyan oo lacagta Norway ah oo u dhiganta 45 milyan oo doolar.
  • War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Norway maanta oo Khamiis ah ayaa lagu sheegay in ujeedada gargaarkan milatari ay tahay in laga hortago in Ruushku qabsado deegaano cusub oo ka tirsan Ukraine.

    SACUUDIGA
  • Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in ay soo gaareen in ka badan 1.5 milyan oo qof si ay u gutaan acmaasha Xajka sannadan.
  • Sacuudiga ayaa sameeyay diyaargarow ballaaran oo dhanka adeegga iyo amniga ah, iyada laamaha amnigu soo qabteen dad tira badan oo doonayay in ay xajiyaan iyaga oo aan hasyan ogolaanshaha xajka.

    ITOOBIYA

  • Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa gaarsiiyay Ra’iisul Wasaraha Itoobiya Abiy Axmed farriin uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
  • Abiy Axmed ayaa tilmaamy muhiimadda uu leeyahay xiriirka ka dhexeeya labada dal ee ku dhisan iskaashiga danaha labada dowladood iyo xasiloonida gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here