Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Falastiin

Gaza- Dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad joojinta dagaalka Gaza ayaan weli suurtagelin inkasta oo dowladaha Masar, Qatar iyo Mareykanku ay wadaan waan-waan la isagu soo dhawaynayo kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta iyo Israel.

Ciidamada Israel waxay duulaanka Gaza ku dileen in ka badan 37,400 oo Falastiiniyiin ah waxayna dhaawaceen 85,500 oo kale tan iyo 7-dii October ee sannadkii hore.

Arbacadii, ciidamada Israel ayaa weeraro xooggan ka fuliyay maagaalda Gaza oo dhan, waxaana ka dhashay qasaara isagu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Dhanka Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 548 qof waxeyna ku dhaawacday 5,200 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,280 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Lubnaan/ Israel

Kooxda Xisbullaahi ee dalka Lubnaan ayaa dhankooda laba jibbaaray weerarada ay ku qaadayaan gudaha Israel, waxeyna shalay ganaatlo la beegsatay Guuto ka tirsan ciidamada Isarel.

Milateriga Israel ayaa Talaadadii sheegay in ay diyaar garoobeen qorshaha weerar lagu qaadayo Lubnaan, taas oo ka dhigan in xiisaddu cirka isku sii shareertay.

Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u ambabaxaya gobolka Maryland, si uu isugu diyaariyo doodii ugu horreysay 2024-ka oo uu la yeesho musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, taas oo la qorsheeyay 27-ka bishaan June.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dood furan ka yeelanaya amniga internetka, waxaana shir guddoominaya wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Koonfureed Cho Tae-yul.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka qayb qaadanaya kulanka.

Vietnam

Ka dib booqashadii Waqooyiga Kuuriya, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu u sii gudbay Vietnam, waxaana lagu wadaa inuu kulamo la qaato mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Xoghayaha Guud ee Xisbiga Shuuciga ee Vietnam Nguyen Phu Trong, Madaxweyne To Lam, Ra’iisul Wasaaraha Pham Minh Chinh, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Tran Thanh Man.

Putin ayaa kala hadli doona mas’uuliyiintan iskaashiga istiraatijiyadeed ee ganacsiga, dhaqaalaha, sayniska, technology iyo arrimaha bini aadanimada.

Africa

Midowga Afrika ayaa maanta xusaya maalinta qaxootiga adduunka iyo dadka lagu qasbay inay dalalkooda uga cararaan colaad, cadaadis, ama xad-gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Cyril Ramaphosa, ayaa markii labaad loo caleema saaray Madaxweynaha Koonfur Afrika, waxaana laga filaya dhawaan inuu soo magacaabo xukuumad midnimo qaran ah.

CIYAARAHA

Kualamada labaad ee tartanka koobka UEFA EURO 2024 ayaa ka socda magaalooyinka kala duwan ee dalka Jarmalka.

Slovenia ayaa wajihi doonta Serbia, waxeyna ku ciyaari doonaan Munich.

Xulka Denmark ayaa la ciyaari doona kulanka labaad England oo ay kuwada jiraan Group C waxayna ciyaartu ka dhici doonta magaalada Frankfurt.

Kulanka ugu adag caawa waxa uu dhex mari doona xulalka Spain iyo Italy oo kawada tirsan Group B. Labadan xul ayaa hore usoo badiyay kulankoodi koowaad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here