Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Falastiin

Gaza- Nolosha dadka ku nool magaalada Gaza ayaa sii adkaaanaysa, iyadoo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad joojin joogta ah, si loo soo afjaro weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ku hayso deegaannada Falastiiniyiinta.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​37,500 oo Falastiiniyiin ah waxayna dhaawacday in ka badan 85,700 oo kale.

Jimcihii lasoo dhafay, ugu yaraan 25 Falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay 50 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii ciidamada Israel ay duqeeyeen kaam ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaal deegaanka Al-Mawaasi ee magaalada Rafax ee koonfurta marinka Gaza.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 550 qof waxeyna ku dhaawacday 5,200 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,300 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Israel

Tel Aviv- Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa wajaha cadaadis culus kadib markii xukuumadii dagaalka ay fashilantay taas oo keentay in lakala diro, waxaana magaalooyinka waaweyn ka socda mudaaharaad lagu dalbanayo is casillaadda Netanyahu iyo xabbad joojin.

Ra’yi ururin cusub oo la sameeyay ayaa muujineysa in hogaamiyaha xisbiga mucaaradka, Benny Gantz uu ka guuleysan karo Netanyahu haddii la qabto doorasho xilligaan la joogo.

Hindi, Bangladeshi

Ra’iisul wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina ayaa magaalada New Delhi kula kulmi doonta dhigeeda India Narendra Modi. Labada dal ee Koonfurta Aasiya ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah.

Poland, Shiinaha

Madaxweynaha Poland Andrzej Duda ayaa booqasho 5 maalin ah ku tagaya Shiinaha, isaga oo wada hadal la yeelan doona dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Xi Jinping.

Duda ayaa sidoo kale la kulmi doona Ra’iisel wasaaraha Shiinaha iyo mas’uuliyiin kale.

Kenya

Waxaa isa soo taraya baaqyada mucaaradka ee lagu dalbanayo in ay is casilaan Taliyaha guud ee Boliiska Kenya, Japhet Koome iyo Taliyaha Boliiska magaalada Nairobi Adamson Bungei ka dib markii ciidamadu dileen dad dhigayay mudaaharaad looga soo horjeeday sharciga canshuur kordhinta.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo canshuuraha ee ku baahay guud ahaan dalka Kenya ayaa la filayaa inay sii socdaan maalmaha soo socda.

CIYAARAHA

Kualamada labaad ee tartanka koobka UEFA EURO 2024 ayaa ka socda magaalooyinka kala duwan ee dalka Jarmalka.

Georgia waxay is arki doonaa Czech Republic , waxeyna ku ciyaari doonaan Hamburg.

Hogaamiyayaasha Group F ee Turkiga ayaa wajihi doona xulka Portugal, wuxuuna kulankaas ka dhici doona Dortmund.

Xulka Belgium oo guul darro la kumay kulanki koowaad ayaa magaalada Cologne kula ciyaari doona caawa hogaamiyayaasha Group E Romania.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here