Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Falastiin

Gaza- Nolosha dadka ku nool magaalada Gaza ayaa sii adkaaanaysa, iyadoo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad joojin joogta ah, si loo soo afjaro weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ku hayso deegaannada Falastiiniyiinta.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​37,600 oo Falastiiniyiin ah waxayna dhaawacday in ka badan 86,000 oo kale.

Burbur baaxad leh ayaa sidoo kale soo gaaray dhismaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada Gaza.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 553 qof waxeyna ku dhaawacday 5,200 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,300 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Sidaas oo tahay ciidamada Israel wali ma gaarin wax guul ah oo la taaban karo, waxaana fashilmay Golihii Wasiirada ee loo xil saaray dagaalka taas oo keentay in la kala diro.

Ra’iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu waxa uu hadda wajahaya cadaadiskii ugu adkaa sooyaalka siyaaddiisa, waxaana hoos u dhac ku yimid taageerada loo hayo xisbigiisa.

Dhanka kale, Waxaa Israel laga sugaya in ay maanta soo gudbiso warbixin ku saabsan dadaallada lagu dhaqan gelinayo amarkii Maxkamadda Adduunka ee ahaa tillaabooyinka ay qaadeyso si aysan waxyeello usoo gaarin dadka rayidka ah.

Kenya

Dibadbaxyada looga soo horjeedo kordhinta iyo sharciga cusub ee canshuuraha ayaa la filayaa inay ka sii socdaan guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Kenya.

Madaxweyne William Ruto ayaa ogolaaday inuu la kulmo wakiilo ka socda dibbad baxayaasha si xal waara loo gaaro.

Madaxa Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Guddigu uu u soo jeediyay xukuumadda in ay ka laabato soo jeedinteeda ku saabsan canshuuraadka cusub ee lagu soo rogay gaadiidka iyo rootiga, taas oo dhalisay caro xoogan iyo dibad baxyo looga soo horjeedo.

Koonfur Afrika

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo Golihiisa wasiirada cusub todobaadkan ka dib markii 10 xisbi siyaasadeed ay ogolaadeen in ay ka mid noqdaan xukuumad Midnimo Qaran ah.

Luxembourg

Mas’uulka Sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Josep Borrell ayaa shir guddoomin doona shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ee ka dhacaya Luxembourg.

Ajendaha waxaa ka mid ah in laga wada hadlo dagaalka Ruushka iyo Ukaraine, xaaladaha Bariga Dhexe iyo Galbeedka Balkans.

Ruushka

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday goob ay Yahuuddu ku cibaadeysato iyo laba Kaniisadood oo ku yaal gobolka Dagestan ee dalka Ruushka.

Warbaahinta Ruushka oo soo xiganaya madaxa gobolka Dagestan ee koonfurta Ruushka ayaa sheegtay in weeraradii ka dhacay gobolkaas lagu dilay in ka badan 15 askari oo ka tirsan laamaha amaanka.

Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in sidoo kale ay jiraan dhimasho soo gaartay dad shacab ah.

Dagestan waa gobol ka tirsan Ruushka oo ay ku badanyihiin Muslimiinta, kaas oo xuduud la leh gobolka Chechnya, sidoo kale wuxuu ku dhow yahay wadamada Georgia iyo Azerbaijan.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah ku tagaya magaalada Minsk. Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweynaha Belarusia Alexander Lukashenko iyo dhiggiisa Sergey Aleynik.

Faransiiska

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa booqan doona Faransiiska, isaga oo la kulmi doona Madaxweyne Emmanuel Macron.

Solomon / Australia

Tan iyo markii la doortay horraantii sanadkan, Ra’iisul Wasaaraha Jasiiradda Solomon, Jeremiah Manele ayaa safarkiisii ​​ugu horeeyay ee dibadda ugu amba baxay dalka Australia.

Booqashadiisa uu socon doonta ilaa Sabtiga soo socda, waxaa la qorsheeyay inuu wada hadal la yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese.

CIYAARAHA

Kulamada ugu dambeeya Group-yada ee tartanka koobka UEFA EURO 2024 ayaa lagu ciyaaraya magaalooyinka kala duwan ee dalka Jarmarka.

Spain oo hoggaaminaysa Group B ayaa la ciyaari doonta Albania, halka xulka Croatia uu magaalada Leipzig kula ciyaari doono Italy oo ku jirta kaalinta labaad.

Spain ayaa badisay labadii kulan ee ay ciyaartay, waxayna xaqiijisay in ay u gudubtay wareega 16ka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here