Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Isarel/ Lubnaan

Lubnaan- Isku dhacyo militari ayaa si maalinle ah u dhex mara ciidamada Israel iyo kooxda Xisbullaah ee dalka Lubnaan tan iyo markii uu billaawday duulaanka Israel ee magaalada Gaza, waxaana laga cabsi qabaa inuu isku dhacyadaas isku bedelaan dagaal toos ah.

Xisbullaah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku garaacday gooba kala duwan oo ka mid ah dhulka ay Israel ka heysato, waaxeyna sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay xarunta guutada 91-aad ee waqooyiga Israel, iyada oo lasoo warinayo inuu khasaare ka dhashay.

Falastiin

aza- Nolosha dadka ku nool magaalada Gaza ayaa sii adkaaanaysa, iyadoo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad joojin joogta ah, si loo soo afjaro weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ku hayso deegaannada Falastiiniyiinta.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​37,700 oo Falastiiniyiin ah waxayna dhaawacday in ka badan 86,100 kale.

Burbur baaxad leh ayaa sidoo kale soo gaaray dhismaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada Gaza.

Ciidamada Israel waxey sheegeen in ay u gudbi doonaan wareegga saddexaad ee dagaalka kadib wareegyadii koowaad iyo labaad ee kala ahaa duqeynta cirka iyo gelitaankii magaalada Rafax.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa ka digaya xaaladda Bini’aadantinimo ee Gaza, iyada oo warbixin lasoo saaray ay muujisay in 96% dadka ku sugan Gaza in ay wajahayaan gaajo, waxaana cabsi wayn laga qabaa in ay dillaacdo mcaluul galaafata nolosha dad badan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sidoo kale sheegtay in kumanaan qoys ay ku qasban yihiin inay ku tiirsanaadaan biyaha badda ee aan la cabi karin.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 553 qof waxeyna ku dhaawacday 5,200 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,360 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Turkiga

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa ka qeyb galaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga-Romania iyo Poland.

Farnsiiska

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa la kulmi doona ra’iisul wasaaraha Hungary Viktor Orban si ay uga wada hadlaan arrimaha Midowga Yurub iyo kuwa caalamiga ah.

Hungary ayaa lagu wadaa in ay qabato bisha July ee soo socota xilka madaxtinimada ee Midowga Yurub .

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dood furan ka yeelanaya carruurta iyo Colaadaha hubeysan. Kulanka waxaa ka qayb qaadanaya Ergeyga Gaarka ah ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan Virginia Gamba, Agaasimaha Fulinta ee UNICEF Catherine Russell iyo Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon.

Julian Assange

Julian Assange, aasaasihii WikiLeaks, ayaa dib ugu laabanaya dalkiisa Australia ka dib markii uu dhageysi maxkamadeed uga qab galay jasiiradda Mariana.

Waxaa la filayaa in uu warbaahinta la hadlo marka uu ku laabto dalkiisa, isaga oo ka hadli doona waayihii uu ku xirnaa dalka Ingiriiska.

Xiisadda labada Kuuriya

Kuuriyada Waqooyi ayaa u dirtay buufino badan oo qashin ah gudaha Kuuriyada Koonfureed ka dib markii madaxweyne Yoon Suk-yeol uu dhalleeceeyay heshiiska difaaca ee u dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Yoon waxa uu sidoo kale booqday markabka xambaara hubka nukliyeerka ee Mareykanka ka hor dhoolatuska milatari ee ay sameyn doonaaan dowladaha Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ee ka dhacaya gacanka Kuuriya.

Xiisadda u dhexeeysa labada Kuuriya ayaa la saadaalinaya in ay cirka isku sii shareerto.

Kenya

Nairobi- 10 qof ayaa lagu dilay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay magaalada Nairobi, iyada oo dadwayne careysan ay xoog ku galeen xarunta Baarlamaanka dalkaas kadib markii la meel-mariyay sharciga maaliyadda ee canshuur kordhinta.

Itoobiya

Addis Ababa- Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa sannadkii toddobaad oo xiriir ah loo aqoonsaday shirkadda duulimaadyada ee ugu wanaagsan Afrika, iyadoo abaal marin arrintaan la xiriita lagu guddoonsiiyay todobaadkan magaalada London.

Shirkaddu waxay sidoo kale heshay abaal-marinno saddex qaybood ah, kuwaas oo la xiriira adeegyada ay bixiso sida cuntada iyo heerarka duulimaadka.

Marka la eego qiimeynta guud ee caalamka, waxey diyaaradda Ethiopian Airlines gashay kaalinta 36-aad , iyadoo hal darajo ka hooseysa sanadkii hore.

CIYAARAHA

Caawa waxaa lasoo gabagbeynaya kulamada Group-yada ee tartanka koobka UEFA EURO 2024 ee ka socda dalka Jarmalka.

Belgium, Romania, Slovakia iyo Ukraine oo kuwada jira Group E ayaa ciyaaraya caawa, waxeyna dhammaantood leeyihin min 3 dhibcood. Waddan walba waxa uu xusul duubaya siduu ugu gudbi lahaa wareega 16-ka

Dhinaca kale, Group-ka F, Turkiga waxa uu la dheeli doonaa Czech Republic, halka Hogaamiyayaasha Group-ka Portugal ay wajihi doonaan Georgia.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here