Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

YURUB

Shirka Hogaamiyayaasha wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa ku furmaya Brussels, iyada oo looga hadli doono dagaalka ka socda Ukraine, Xaaladda Bariga Dhexe iyo amniga guud ee qaaradda.

Waxaa la filaya in isbedel ku yimaado madaxda sare ee Midowga Yurub inkasta oo ay macquul tahay in Ursula von der Leyen ay sii hayn doonto xilkeeda. Kaja Kalas oo kasoo jeeda Estonia ayaa la filayaa in loo doorto xilka Josep Borrell oo ah madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub.

Bolivia

Taliyihii hore ee ciidamada Bolivia Juan José Zuniga, oo isku dayay inuu afgambiyo Madaxweyne Luis Arce ayaa gacanta lagu soo dhigay, kadib markuu fashilmay afgambigi, waxaana lagu bilaabay baaritaano arrintaas la xiriira.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Zuniga oo lagu qasbayo inuu raaco gaari Boliis ah si loogu geeyo xafiiska xeer ilaalinta, kaas oo durba furay dacwadiisa ku saabsan isku daygii afgambi iyo inuu jebiyay dastuurka dalka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeynaya qaraarka dib u cusboonaysiinta cunaqabateynta saaran Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Ruushka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa magaalada Moscow kula kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Congo Denis Sassou Nguesso, oo hadda booqasho rasmi ah ku jooga dalka Ruushka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha la xiriira iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan hirgelinta heshiisyadii ay labada dal horay u wada galeen.

Booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Congo ee Ruusha ayaa kusoo beegantay sannad guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.

TÜRKIYE

Xaflad lagu soo dhawaynayay madaxwaynaha Estoniya Alar Karis ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada ee dalka Turkiga, waxaana lagu wadaa inuu mas’uuliyiinta ugu sareysa Turkiga kala hadlo iskaashiga labada dal.

Pakistan

Maxkamadda dalka Pakistan ayaa la filaya in ay go’aan ka gaarto kiiska loo haysto Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan ee ah inuu si sharci darro ah ku guursaday.

Khan ayaa xaaskiisa ayaa xabsi ku qaadan doono muddo 7 sano ah haddii ay ku caddaato dacwada loo haysto.

Sri Lanka

Kumanaan macalimiin ah ayaa isagu soo baxay magaalooyinka waaaweyn ee Sri Lanka iyaga oo ka gadoodsan mushaaryaridaooda.

Julian Assange

Aasaasihii WikiLeaks Julian Assange ayaa la midoobay qoyskiisa 14 sano kadib markuu ku laabtay dalkiisa Australia. Julian Assange oo ah weriye ayaa lagu xiray dalka Ingiriiska kadib markii uu soo bandhigay arrimo sir ah oo la xiriira dagaaladdii lagu qaaday Ciraaq iyo Afghanistan.

Japan

Waxaa sii kordhaya cadaadiska lagu hayo Ra’iisul wasaaraha Japan, Fumio Kishida oo ku saabsan fadeexad siyaasadeed. Dhowr siyaasi oo ka tirsan xisbiga Liberal Democratic Party, oo uu ku jiro Ra’iisul wasaarihii hore Yoshihide Suga, ayaa ugu baaqay Kishida inuu xilka ka dego.

Xisbiga ayaa la filayaa inuu doorto hogaamiye cusub shirwaynaha soo socda ee bisha September.

Dhanka kale, Mareykanka, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa bilaabay maanta oo Khamiis ah dhoolatuskoodi militari ee ugu horeeyay oo ay si wadajir ah u sameeyaan.

Waxay ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayso xiisadda gacanka Kuuriya halkaas oo laga cabsi qabo inuu ka billaawdo dhaqdhaqaaq ciidan.

Koonfur Afrika

Dalka Koonfur Afrika, waxaa soo gabagaboobay wadaxaajoodka la xiriira qaybsiga wasaaradaha xukuumadda Midnimada Qaran ee ay ku heshiiyeen in ay soo dhisaan Xisbiyada la midoobay Xisbiga African National Congress oo galay kaalinta koowaad.

Congo

Iska horimaad hubeysan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Congo iyo kooxo maleeshiyaad ah ayaa ka socda agagaarka magaalooyinka Sake iyo Goma maalin kaddib markii labo askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Koonfur Afrika la dilay 20 kalena la dhaawacay.

Rwanda

Ololaha doorashada madaxtinimo ee dalka Rwanda ayaa wali sii socda, waxaana madaxweynaha xilka haya ee Paul Kagame la tartami doona labo musharax oo kala ah Frank Habineza oo ka socda xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Green iyo Philippe Mpayimana oo ah musharax madax banaan.

Doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka dalkaas ayaa la qaban doonaa 15-ka July, iyadoo ilaa 9.5 milyan oo reer Rwanda ah ay xaq u leeyihiin inay codeeyaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here