Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Iran

Tirinta codadka dooarsahda madaxtinimada Iran ee dhacday Jimcihi ayaa mareysa meel gabagabo ah, iyada oo natiijada hordhaca ah ay tilmaamayso in musharraxa Mascuud Pezeshkian uu ku horeeyo codadka la tiriyay ilaa iyo hadda.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Muxsin Islaami ayaa ku dhawaaqay in la tiriyay cod gaaraya ilaa 19,69,713 cod tan iyo markii la furay sanaadiiqda codadka.

Mascuud Pezeshkian waa Musharraxa kaliya ee ku abtirsada garabka bidix, wuxuuna ololihiisa doorashada diiradda ku saaray inuu dib u habeyn ku sameyn doono nidaamka dalka.

Waxaa hore loo qorsheeyay in madaxweynaha la doorto la caleema saari doono 8-da July.

Falastiin

Gaza- Nolosha dadka ku nool magaalada Gaza ayaa sii adkaaanaysa, iyadoo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad joojin joogta ah, si loo soo afjaro weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ku hayso deegaannada Falastiiniyiinta.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​37,700 oo Falastiiniyiin ah waxayna dhaawacday in ka badan 86,400 kale.

Burbur baaxad leh ayaa sidoo kale soo gaaray dhismaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada Gaza.

Ciidamada Israel waxey sheegeen in ay u gudbi doonaan wareegga saddexaad ee dagaalka kadib wareegyadii koowaad iyo labaad ee kala ahaa duqeynta cirka iyo gelitaankii magaalada Rafax.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa ka digaya xaaladda Bini’aadantinimo ee Gaza, iyada oo warbixin lasoo saaray ay muujisay in 96% dadka ku sugan Gaza in ay wajahayaan gaajo, waxaana cabsi wayn laga qabaa in ay dillaacdo mcaluul galaafata nolosha dad badan.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sidoo kale sheegtay in kumanaan qoys ay ku qasban yihiin inay ku tiirsanaadaan biyaha badda ee aan la cabi karin.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 553 qof waxeyna ku dhaawacday 5,300 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,430 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Jimcihii, kooxaha xagjirka ah ee Israel kuwaas oo doonaya dhul ballaarsi ayaa ayaa dab qabadsiiyay dhul-beereed ay leeyihiin dad Falastiiniyiin ah oo u dhow magaalada Nablus, iyagoo waxyeello u gaystay dalagyo kale oo ku yaalla deegaanno kala duwan oo hoos taga Daanta Galbeed.

Turkiga

Dubrovnik- Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa booqan doona magaalada Dubrovnik ee dalka Croatia si uu uga qeyb galo kulanka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Bosnia iyo Croatia.

Malaysia

Inkasta oo Boliisku soo saaray digniino adag, haddana qaybo ka mid ah ururrada bulshada ayaa qorsheeyey in ay dhigaan bannaan bax ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha Malaysia Anwar Ibraahim.

Ururadan ayaa ka careysan kor u kaca qiimaha saliidda, wax soo saarka bariiska oo yaraaday iyo in dowladdu wax ka qaban wayday dhibaatooyinkii uu reebay cudurkii safmareenka ahaa ee COVID-19.

Mauritania

Muwaadiniinta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania ayaa subaxnimadii maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne cusub ama ugu celiyaan madaxweynaha hadda talada haya.

Ku dhawaad 1.9 malyan oo qof ayaa xaq u leh inay codeeyaan, waxaana tartamaya 7 musharax oo uu ku jiro madaxweynaha dalkaas Maxamed Ould.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada horudhaca ah ee doorashada maalinta Axada, waxaana natiijada si rasmi ah ugu dhawaaqi doona Golaha Dastuurka.

Waa doorashadii siddeedaad ee ka dhacda Mauritania tan iyo markii ay xornimada qaadatay.

Congo

Dagaalka u dhaxeeya fallaagada M23 iyo ciidamada Congo ayaa weli ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo fallaagadu ay qabsatay deegaanno ay ka mid yihiin Miriki iyo Kimaka oo ka tirsan gobolka Waqooyiga ee Kivu.

Sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, 1.3 milyan oo qof ayaa ku barakacay deegaannada Rutshuru iyo Masisi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here