Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Iran

Tehran- Doorashada madaxtinimada Iran ee dhacday 28-ka bishaan June ayaa laguu qasbanaaday in la isla aado wareeg labaad kadib markii la waayay hal musharrax oo helay 50% in ka badan, waxaana u gudbay wareega labaad laba musharax ee kala ah Mascuud Pezeshkian iyo Siciid Jalili.

Muxsin Islaami, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Iran, ayaa ku dhawaaqay in lasoo gabagabeeyay tirintii codadka, isaga oo tilmaamay in tirada dadka codeeyay ay ahayd 24 milyan, 535,185 qof kuwaas oo ka codeeyay 59,000 oo xarumood.

Islaami waxa uu sheegay in Pezeshkian uu helay 10 milyan 415 kun iyo 191 cod, taas oo ka dhigan 42.4 % codadki la dhiibtay sidaas awgeedna uu ku galay kaalinta kowaad ee doorashada.

Musharraxa kale ee galay kaalinta labaad Siciid Jalili ayaa isaguna helay codad gaaraya 9 milyan 473 kun iyo 298 cod taas oo ka dhigan 38.6 %.

Kaliya labaddaan musharrax ayaa ku tartami doona wareega labaad ee doorashada kaas oo la muddeeyay in la qabto 5-ta bisha July ee soo socota.

Faransiiska

Paris- Dalka Faransiiska maanta oo Axad ah waxaa loo dareeray doorashada Baarlamaanka ee lasoo hormariyay kadib markii Xisbiga talada haya uu guul darro kala kulmay doorashooyiinkii Midowga Yurub.

Muwaadiniinta Faransiiska ayaa dooran doona 577 xildhibaan kuwaas oo muddadoodu tahay shan sano.

Dadka Faransiiska ah waxaa lagu qiyaasaa 68 milyan iyo 400 kun oo qof, balse waxaa xaq u leh inay doorashada ka qayb qaataan 49 milyan, iyada oo ay musharrixiintu gaarayaan 4,009 musharax.

Mauritania

Madaxweynaha talada haya Maxamed Ould Sheekh Al-Ghazouani ayaa ku horeeya natiijadii hordhaca ah ee doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Sabtidii, dalka Mauritania ka dib markii la tiriyay 60% codadkii la dhiibtay.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan natiijada horudhaca ah ee doorashada galabnimada maanta oo Axad ah, waxaana natiijada si rasmi ah ugu dhawaaqi doona Golaha Dastuurka.

Waa doorashadii siddeedaad ee ka dhacda Mauritania tan iyo markii ay xornimada qaadatay.

Yemen/ Eritrea

Kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegtay in dowladda Eritrea ay soo daysay 23 kalluumeysato Yemeniyiin ah kuwaas oo muddo 10 maalmood ah ku xirnaa Eritrea.

23-da qof ee kalluumaysatada ah ayaa ku soo laabtay dekedda magaalada Xudeydah ee ku taal badda cas ka dib markii in ka badan toban maalmood ku jireen gacanta Eritrea, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Saba ee ay maamulaan Xuutiyiintu.

Nigeria

Lix qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xaflad aroos, maalinti Sabtida, oo ka dhaceysay gobolka Borno, ee waqooyi bari Nigeria.

Ilaa iyo subaxnimadii maanta oo Axad ah ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

Suudaan

Xaaladda Bini’aadantinimo iyo tan amni ee Suudaan ayaa sii xumaanaysa iyadoo ay socdaan iskahorimaadyo u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo xoogagga kasoo horjeeda kuwaas oo ka socda Khartoum, El Fasher oo ku taal Waqooyiga Gobolka Darfur, iyo sidoo kale gobollada Sennar iyo Al-Jazira.

Isku dhacyadan ayaa sababay in dad farabadan ka barakaan goobaha uu ka socdo dagaalku, iyadoo ay jiraan digniino caalami ah oo ku saabsan masiibo Bini’aadantinimo oo soo food saareysa dadka rayidka ah oo ay ugu wacan tahay cunto yari iyo in la gaarsiin waayay gargaarki loogu tala galay.

Kenya

Xukuumadda Kenya ayaa magacaawday guddi ka kooban 100 xubnood si ay uga qayb-qaataan xalinta dhaqaale xumida ee ay dhallainyaradu ka cabanayaan ka dib dibadbaxyo rabshado wata oo gilgilay dalka ayna ku dhinteen ilaa 30 qof.

Qatar

Wafdi ka socda maamulka Daalibaan ​​oo uu hogaaminayo afhayeenka guud Zabihullah Mujaahid ayaa ka qayb gelaya shir labo maalmood socon doona oo ay Qaramada Midoobay soo qabanqaabisay kaas oo ka dhacaya magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Waa shirkii saddexaad ee ay Qaramada Midoobay soo agaasinto iyadoo aysan beesha caalamku weli aqoonsan maamulka ku meel gaarka ee Afghanistan ​​tan iyo markii Daaliban ay xukunka ku soo laabatay Agoosto 2021.

Mas’uuliyiin ka socda Pakistan iyo dalalka kale ee deriska ah ayaa sidoo kale ka qayb gelaya shirka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here