Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Koonfur Afrika

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku dhawaaqay dhismaha xukuumad midnimo qaran ah oo ay kula midaysanyihiin 10 xisbi oo kale.

Xisbiga National Congress ayaa qaatay 22 wasaaradood oo ay ku jiraan maaliyadda, arrimaha dibadda, tamarta, iyo difaaca.

Xisbiga Isbaheysiga Dimuquraadiga ayaa helay 6 wasaaradood, halka 6 wasaaradood loo qeybiyay 9 xisbi oo yar yar oo uu ku jiro xisbiga Al-Jamaaca oo matalaya Muslimiinta Koonfur Afrika.

Nigeria

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday xaflad aroos oo ka dhacaysay gobolka Borno ee waqooyi bari Nigeria ayaa kor u dhaaftay 18 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 42 kale.

19 ka mid ah dadkii dhaawacmay oo ay xaaldoodu halis tahay ayaa loo qaaday magaalada Maiduguri ee xarunta gobolka Borno.

Dadka dhintay ayaa isagu jira haween, carruur iyo askar, sida uu sheegay mas’uul la hadlay warbaahinta gudaha.

Ilaa gelinki dambe ee Axadda ma jirin cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

Faransiiska

Natiijooyinka horudhaca ah ee wareegii koowaad ee doorashada Baarlamaanka Faransiiska ayaa muujisay in xisbiga midigta fog uu ku horeeyo taas oo ku qasbaysa xibiyada garabka bidix iyo kuwa dhexdhexaadka ah in ay midoobaan wareegga labaad ee doorashada.

Sida ay natiijada hordhaca ah tilmaameyso xisbiga midigta fog ayaa helay 34 % codadkii la dhiibtay wareegii koowaad ee doorashada.

Isbahaysiga ay ku jiraan xisbiyada garabka bidix, ayaa helay 29.1% waxayna galeen kaalinta labaad.

Mauritania

Madaxweynaha Mauritania Maxamed Ould Sheekh ayaa markale loo doortay inuu sii hoggaamiyo dalkaas kadib markii uu helay 56.12 % codadkii la dhiibtay maalintii Sabtiga.

Biram Dah Abeid oo u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa galay kaalinta labaad isagoo helay 22.10 %.

Falastiin

Gaza- Xaaladda dadka ku nool magaalada Gaza ayaa sii adkaaanaysa, iyadoo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad joojin joogta ah, si loo soo afjaro weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ku hayso deegaannada Falastiiniyiinta.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​37,900 oo Falastiiniyiin ah waxayna dhaawacday in ka badan 87,000 kale.

Howlgallada militari ee Israel ayaa ka socda deegaanno kala duwan oo ku yaalla marinka Gaza, oo ay ku jiraan Rafax iyo xaafadda Shujaaciya ee bariga magaalada Gaza, iyadoo duqeymo xagga cirka ah iyo madaafiicda lagu garaacayay deegaannada ay ku noolyihiin dad rayid ah.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa ka digaya xaaladda Bini’aadantinimo ee Gaza, iyada oo warbixin lasoo saaray ay muujisay in 96% dadka ku sugan Gaza in ay wajahayaan gaajo, waxaana cabsi wayn laga qabaa in ay dillaacdo mcaluul galaafata nolosha dad badan.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 554 qof waxeyna ku dhaawacday 5,300 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,450 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Falastiin ayaa ka codsatay Jaamacadda Carabta in la qabto shir aan caadi ahayn todobaadkan si looga wada hadlo dagaalka ka socda marinka Gaza iyo qorshaha is ballaarinta Israel ee Daanta Galbeed.

Mozambique

Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa booqasho 4 maalmood ah ku tagaya Tanzania si sare loogu qaado xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsiga ee ka dhexeeya labada dal.

CIYAARAHA

Caawa waxaa la ciyaari doona kulamo ka tirsan wareegga 16-ka ee tartanka koobka UEFA EURO 2024 ee ka socda dalka Jarmalka.

France ayaa garoonka Dusseldorf Arena kula ciyaari doonta xulka Belgium, halka Portugal ay ka hortegi doonto Slovenia waxeyna kuwada ciyaari doonaan Frankfurt Arena.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here