Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Malaysia

Ra’iisul wasaaraha Malaysia Anwar Ibraahim ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu ciidamo nabad ilaalin ah u diro marinka Gaza si ay u xaqiijiyaan xabbad-joojin ka hirgasha marinka Gaza.

Hadalkan ayuu sheegay kadib markii uu khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha la doortay ee Indonesia Prabowo Subianto, oo xilka la wareegi doona bisha October.

Madaxweynaha la doortay ee Indonesia ayaa bishii June ku dhawaaqay in dalkiisu diyaar u yahay inuu diro ciidamo nabad ilaalin ah si loo xaqiijiyo xabad joojinta Gaza.

Bolivia

Bolivia ayaa wadatashi ugu yeeratay safiirkeeda u fadhiya Argentina kadib markii madaxweynaha dalkaas uu ku tilmaamay afgambigii fashilmay ee Bolivia inuu ahaa been abuur.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Bolivia waxay ugu baaqday Argentina inaysan soo faragelin arrimaha gudaha ee dalkeeda, sidoo kalena ay u hoggaansanto xeerarka caalamiga ah ee ixtiraamidda madax-bannaanida dowladaha .

Falastiin

Gaza- Xaaladda dadka ku nool magaalada Gaza ayaa sii adkaaanaysa, iyadoo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad joojin joogta ah, si loo soo afjaro weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ku hayso deegaannada Falastiiniyiinta.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​37,900 oo Falastiiniyiin ah waxayna dhaawacday in ka badan 87,000 kale.

Howlgallada militari ee Israel ayaa ka socda deegaanno kala duwan oo ku yaalla marinka Gaza, oo ay ku jiraan Rafax iyo xaafadda Shujaaciya ee bariga magaalada Gaza, iyadoo duqeymo xagga cirka ah iyo madaafiicda lagu garaacayay deegaannada ay ku noolyihiin dad rayid ah.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa ka digaya xaaladda Bini’aadantinimo ee Gaza, iyada oo warbixin lasoo saaray ay muujisay in 96% dadka ku sugan Gaza in ay wajahayaan gaajo, waxaana cabsi wayn laga qabaa in ay dillaacdo mcaluul galaafata nolosha dad badan.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 556 qof waxeyna ku dhaawacday 5,300 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,450 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Falastiin ayaa ka codsatay Jaamacadda Carabta in la qabto shir aan caadi ahayn todobaadkan si looga wada hadlo dagaalka ka socda marinka Gaza iyo qorshaha is ballaarinta Israel ee Daanta Galbeed.

Turkiga

Wargeyska rasmiga ah ee Turkiga ayaa baahiyay in isbedel lagu sameyay hoggaanka labada wasaaradood ee kala ah Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Deegaanka, Qorsheynta magaalooyinka iyo isbedelka cimilada.

Laba wareegto oo uu ku saxiixnaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu sheegay in Kemal Memışoğlu loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka, isagoo bedelay Fahrettin Koca, halka Murat Kurum laga dhigay Wasiirka Deegaanka, Qorsheynta Magaalooyinka iyo Isbeddelka Cimilada, isagoo bedelay Mehmet Özeski.

Germany

Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa ayaa booqanaya Warsaw, si ay uga qayb galaan wada-tashiga 16-aad ee xukuumadaha Polanad iyo Jarmalka.

Ajendaha kulanka waxaa ka mid ah doodaha ku saabsan Midowga Yurub, iskaashiga arrimaha amniga iyo difaaca ee labada dal iyo arrimaha caalamiga ah.

Holland

Golaha Wasiirada cusub ee Holland ee uu hogaaminayo Dick Schoof ayaa lagu wadaa in la dhaariyo. Holland waxaa ka dhacay 22-kii November 2023 doorasho, waxaana laba jeer lagu fashilmay in lasoo dhiso xukuumad kadib markii xisbiyadu isku mari waayeen saami qaybsiga Wasaaradaha.

Mareykanka

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa Pentagon-ka ku qaabilya dhiggiisa Ukraine Rustem Umerov . Austin iyo Umerov waxay ka wadahadli doonaan iskaashiga iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, arrimaha amniga gobolka, iyo siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga difaaca ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Ukraine.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanya Xaaladda Bariga Dhexe, gaar ahaan duulaanka Israel ee dhulka Falastiiniyiinta.

Iskuduwaha arrimaha Bini’aadantinimada iyo dib u dhiska Gaza Sigrid Kaag ayaa la filayaa inuu warbixin kooban ka bixiyo kulanka.

Namibia

Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi ayaa booqasho shaqo oo afar maalmood qaadan doonta ku tagay Namibia halkaas oo uu wadahadalo kula yeelan doono madaxweyne Nangolo Mbumba.

Labada Madaxweyne ayaa kawada xaajoon doona xoojinta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, waxeyna kawada qayb geli doonaan bandhigga isku xirnaanta iyo ka faa’ideysiga kheyraadka kobaca waara ee qaaradda Afrika.

Bangladesh

Macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadaha dalka Bangladesh ayaa ku guda jira shaqo joojin aan la cayimin waqtiga ay qaadan doonto, iyadoo la hakiyay dhammaan howlihii waxbarashada iyo maamulka, taasoo saameyn ku yeelatay habsami u socodka waxbarashada guud ee dalkaas.

Macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadaha ayaa diidan nidaamka hawlgabka ee dhawaan ay xukuumadda dalkaas soo bandhigtay.

CIYAARAHA

Caawa waxaa la ciyaari doona kulamada ugu dambeeya wareegga 16-ka ee tartanka koobka UEFA EURO 2024 ee ka socda dalka Jarmalka.

Xulka Turkiga ayaa garoonka Leipzig kula ciyaari doona Austria, halka Romania ay ka hortegi doonto Netherlands waxeyna kuwada ciyaari doonaan Munich Football Arena .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here