Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Tunisia iyo Burkina Faso

Tunisia iyo Burkina Faso ayaa kala saxiixday 8 heshiis oo dhinacyo kala duwan leh, sida iskaashiga warshadaha, dalxiiska, warshadaha iyo dhaqanka.

Saxiixyadaan ayaa dhacay kadib markii lasoo gabgabeeyya kulanki sideedaad ee guddiga wadajirka ah ee labada dal, kaas oo ka dhacay caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou maalmihii Isniintii iyo Talaadada sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tunisia.

Mareykanka

Kaaliyihii Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mareykanka, Maryam Hassanein, ayaa iska casishay xilkeeda, iyada oo kasoo horjeeda siyaasadda madaxweyne Joe Biden ee ku wajahan dagaalka Israel ee Marinka Gaza,

Maryam ayaa ku biirtay 11 mas’uul oo hore isaga casilay hay’adaha kala duwan ee dowladda Mareykanka kuwaas oo dowladdooda ku eedeeyay inaysan dhexdhexaad ka ahayn xiisadda Falastiin iyo Israel.

Turkey/ Imaaradka

Wasaaradda Qoyska iyo Adeegga Bulshada ee Turkiga ayaa heshiis iskaashi oo dhanka adeegga bulshada ah la saxiixatay Wasaaradda Horumarinta Bulshada ee Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda Qoyska iyo Adeegga Bulshada ee Turkiga ayaa sidoo kale soo gabagebeysay heshiis is afgarad ah oo ay la gaartay Hay’adda Samafalka ee Zayed Bin Sultan Al Nahyan si ay isaga kaashadaan dib u habeynta, dayactirka iyo horumarinta Xarunta Sheekh Zayed ee carruurta oo ku taal magaalada Istanbul.

Kazakhstan

Magaalada Astana ee dalka Kazakhstan ayaa martigelinaysa Shirweynaha Ururka Iskaashiga Shanghai, iyada oo Mdaxda dalalka xubnaha ka ah ururka ay kawada hadli doonaan iskaashiga dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo arrimaha Bini’aadantinimada.

Hogaamiyayaasha dalalka Azerbaijan, Belarus, China, India, Iran, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Mongolia, Pakistan, Qatar, Russia, Tajikistan, Turkey, Turkmenistan, Imaaraadka Carabta , Uzbekistan, iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka qayb gelaya shirka.

India

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 121 qof ay ku dhinteen isbuurasho ka dhalatay goob ay ka socotay xaflad diimeed oo ku taal gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga dalkaas.

Dad tira badan ayaa sidoo kale ku dhaawacmay goobta, waxaana ku jira dad ay xaaladoodu halis tahay.

Kenya

Dalka Kenya waxaa weli ka socda dibadbaxyo lagu dalbanayo inuu iscasilo madaxweyne William Ruto, inkastoo uu meesha ka saaray sharcigii canshuur kordhinta.

Kooxaha hogaaminaya bannanbaxyada ayaa Boliiska ku eedeeyay in ay xabbad nool nool u adeegsadeen dadwaynaha taas oo keentay in ay dhintaan dad gaaraya ilaa 39 qof.

Koonfur Afrika

Xubnaha cusub ee loo magacaabay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Midnimada Qaran ee Koonfur Afrika ayaa lagu dhaariyay nunaasabad ka dhacday Magaalada Cape Town. Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa magacaabay xukuumad ay kula midaysanyihiin 10 xisbi.

Xisbiga National Congress ayaa qaatay 22 wasaaradood oo ay ku jiraan maaliyadda, arrimaha dibadda, tamarta, iyo difaaca.

Xisbiga Isbaheysiga Dimuquraadiga ayaa helay 6 wasaaradood, halka 6 wasaaradood loo qeybiyay 9 xisbi oo yar yar oo uu ku jiro xisbiga Al-Jamaaca oo matalaya Muslimiinta Koonfur Afrika.

Masar

Sida ay sheegtay Warbaahinta Masar, xafladda dhaarinta xukuumadda cusub ayaa maanta ka dhaceysa xarunta madaxtooyada ee dalkaas, iyada oo isbedel kooban lagu sameeyay tirada wasaaradaha oo qaarkood la isku daray kuwa cusubna lagu soo kordhiyay.

Danjiraha Masar ee Midowga Yurub, Badri Cadbicaadi ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda, isagoo bedelay Sameh Shoukry, oo xilkaas hayay tan iyo 2014.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here