Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

BARIGA DHEXE

Isku dhacyada maalinlaha ah ee u dhexeeya Israel iyo Xisbullaah ayaa sii socda, iyada oo ay jirto casbi ah inuu isku bedelo dagaal taas kadib markii dhowr dal oo reer-galbeed ah ay muwaadiniintooda uga digeen inay u safraan Lubnaan.

Israel waxay arbacdii ku dishay koonfurta Lubnaan Maxamed Naciim Naasir, oo ahaa taliyihii ururka Xisbullaah ee qaybta galbeed, waxaana sidoo kale lagu arkay hawada magaalada Beyruut diyaaradaha dagaalka Israel oo ku duulaya joog hoose.

Falastiin

Gaza- Xaaladda dadka ku nool magaalada Gaza ayaa sii adkaaanaysa, iyadoo ay socdaan dadaallada lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad joojin joogta ah, si loo soo afjaro weerarrada aan kala joogsiga lahayn ee Israel ay ku hayso deegaannada Falastiiniyiinta.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​38,000 waxayna dhaawacday dad kale oo badan

Hay’adaha caalamiga ah ayaa ka digaya xaaladda Bini’aadantinimo ee Gaza, iyada oo warbixin lasoo saaray ay muujisay in 96% dadka ku sugan Gaza in ay wajahayaan gaajo, waxaana cabsi wayn laga qabaa in ay dillaacdo mcaluul galaafata nolosha dad badan.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 561 qof waxeyna ku dhaawacday 5,300 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,510 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Kazakhstan

Maanta oo Khamiis ah, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa magaalada Astana ee caasimadda Kazakhstan kula kulmay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani.

Erdogan iyo Tamim ayaa ka qayb gelaya shir madaxeedka 24-aad ee Ururka Iskaashiga Shangai oo sannadkan ka dhacaya Kazakhstan, waxeyna kulankooda gaar ah uga hadleen duullaanka Israel ee Gaza, xaaladda Bariga Dhexe iyo arrimaha kale ee gobolka, sida laga soo xigta madaxtooyada Turkiga.

UK

Malaayiin codbixiyeyaal ah ayaa u dareeray goobaha codbixinta ee dalka Ingiriiska si ay usoo doortaan xubnaha cusub ee Aqalka Baarlamaanka oo ka kooban 650 xildhibaan. Ilaa 46 milyan oo qof ayaa is diiwaangeliyay si ay u codeeyaan.

Doorashada hadda socota ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo markii Britain ay ka baxday Midowga Yurub 31-kii Janaayo, 2020, taasoo oo lagu tilmaamay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu adkaa ee soo maray waayadaan dalkaas.

Rwanda

Madaxweyne Paul Kagame ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo xafladaha qaran ee ka dhacaysa caasimadda Kigali taas oo lagu xusayo sanadguuradii 30-aad ee ka soo wareegtay dagaalki sokeeye ee dalkaas.

Maalintan ayaa loo dabbaaldegayaa in la xasuusto markii ciidamada dalka Rwanada ee uu hoggaaminayey Kagame ay qabsadeen Kigali, iyagoo joojiyay xasuuqii ka dhanka ahaa Tutsiga sannadkii 1994-kii.

Kenya

Dadka Kenyaanka ah ayaa qorsheynaya in ay mar kale dib ugu soo laabtaan waddooyinka si ay dhigaan mudaaharaad lagu doonayo inuu iscasilo madaxweyne William Ruto, inkasta oo ay yaraadeen dadka ka qayb qaadanaya bannaanbaxyada kadib markii la joojiyay sharcigii canshuur kordhinta.

Congo

Maxkamad militari oo ku taal Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ku xukuntay 25 askari dil toogasho, ka dib markii lagu eedeeyay inay kasoo carareen dagaalladii ugu dambeeyay ee dhex maray ciidamada dowladda iyo fallaagada 23-kii March.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here