Monday, September 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Iran

Musharraxa isbedel doonka ah, Mascuud Pezeshkian, ayaa ku guuleystay wareegii labaad ee doorashada madaxtinimada Iran isagoo helay 53.7% codadkii la dhiibtay, wuxuuna noqday madaxweynaha sagaalaad ee dalka Iran.

Af-hayeenka arrimaha doorashada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Muxsin Islaami oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Pezeshkian uu helay 16,384,403 cod, taas oo ka dhigan 53.7% halka uu Siciid Jaliili uu helay codad dhan 13,538,179, oo ka dhigan 44.4%.

Muxsin ayaa intaas ku daray in tirada guud ee dadka codeeyay ay gaarayeen 30,530,157 kuwaas oo ka codeeyay 59,000 oo xarumood oo dalka oo dhan ah, iyada oo ka qayb galka doorashada lagu qiyaasay 49.8%.

Natiijada kadib, Siciid Jaliili ayaa qirtay inuu ku guul-darraystay doorashadii dhacday Jimcihi, wuxuuna ballan qaaday inuu la shaqayn doono madaxweynaha cusub ee la doortay.

Turkiga

Maanta oo Sabti ah ciidamada ilaalada xeebaha ee Turkiga ayaa ku qabtay xeebaha gobolka Mugla, ee koonfur-galbeed ee dalkaas 25 qof oo tahriibayaal ah.

Taliska Ilaalada Xeebaha Turkiga oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in ciidamadu qabteen doon caag ka sameysan oo ay saarnaayeen tahriibayaal taas oo mareysay xeebta magaalada Fetxiye ee gobolka Mugla.

Dadka la qabtay waxaa ka mid ahaa cunug yar, waxaana lagu wareejiyay hay’adaha qaabilsan qaxootiga iyo dadka la qabto iyaga oo si sharci darro ah u safraya.

BARIGA DHEXE

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Netanyahu uu ogolaaday inuu u diro Doxa wafdiga u qaabilsan wada xaajoodka lala gelaayo Xamaas si loo gaaro heshiis xabbad joojin ah.

Israel ayaan ka jawaabin ilaa iyo hadda soo jeedinta Xamaas ee heshiiska xabbad joojinta iyo is dhaafsiga maxaabiista taas oo saldhig u ah in wada hadalladu billoowdaan.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​38,000 waxayna dhaawacday dad kale oo ka badan 87,440.

Jimcihi, 14 qof mayd ah ayaa laga soo saaray guri ku dumay duqeynta Israel oo ku yaal magaalada Rafax ee Koonfurta marinka Gaza

Hay’adaha caalamiga ah ayaa ka digaya xaaladda Bini’aadantinimo ee Gaza, iyada oo warbixin lasoo saaray ay muujisay in 96% dadka ku sugan Gaza in ay wajahayaan gaajo, waxaana cabsi wayn laga qabaa in ay dillaacdo mcaluul galaafata nolosha dad badan.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 568 qof waxeyna ku dhaawacday 5,350 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,520 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Ugu yaraan 7 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay laba kalena waa lagu dhaawacay Jimcihii, duulaankii ay ciidamada Israel ku qaadeen magaalada Jenin ee ku taal Daanta Galbeed.

Pakistan

Xisbiga mucaaradka ah ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan ayaa isu soo bax ka dhigauy caasimadda Islamabad

Dibadbaxaan ayaa lagu dalbanayay in xabsiga laga sii daayo Khan, waxaana sidoo kale looga soo horjeeday sicir bararka ka jira dalkaas.

Dhanka kale, ciidamada Pakistan ayaa sii wada howlagalladooda ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda iyada oo ay ciidamadu dileen ugu yaraan 10 qof oo ka tirsan kooxahaas shantii maalmood ee lasoo dhaafay.

Jabuuti

Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa booqasho 3 maalmood qaadaneysa ku tagaya dalka Jabuuti ee ku yaal goobta istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Josep Borrell ayaa la kulmi doona Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf.

Malawi

Dabaal degyada Malawi ee lagu xusayo sannad guuradii 60-aad ee kasoo wareegtay markay ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska ayaa hoos loo dhigay sababo la xiriira geeridii ku timid madaxweyne ku xigeenkii dalkaas Saulos Chilima oo shil diyaaradeed ku dhintay bishii hore.

Madaxweyne ku xigeenka iyo siddeed qof oo kale ayaa ku dhintay shilkaas oo saameyn ku yeeshay maalinta xoriyadda ee dalkaas.

Itoobiya

Dalka Itoobiya, kooxo hubeysan oo aan haybtooda la aqoonin ayaa afduubtay Arbacadii lasoo dhaafay ku dhawaad 100 arday, iyada oo aan laga warhaynin halka ay ku dambeeyeen ilaa iyo hadda.

Afduubka ardayda ayaa dhacay seddexdii bishaan July xilli ay ardaydu kusii jeediin caasimadda Addis Ababa iyaga oo kasoo baxay gobolka Amxaarada.

Ardaydaan oo intooda badan wax ka barata Jaamacadda Debark ayaa lagu bartilmaameedsaday meel u dhow magaalada Gerbe Guracha, oo ku taalla Waqooyiga Shewa ee gobolka Oromada, sida ay goob joogaayaal u sheegeen BBC-da laanteeda ku hadasha Af- Amxaariga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here