Friday, September 20, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Iran

Qaar ka mid ah madaxda caalamka ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Iran Mascuud Pezeshkian, oo ku guuleystay doorashadii Jimcaha ka dhacday dalkaas.

Pezeshkian ayaa uga guuleystay in ka badan 2 malyan oo cod musharraxii la tartamay ee Siciid Jaliili, kaas oo hore u soo noqday madaxii wada xaajoodka Nukliyeerka Iran iyo reer-galbeedka iyo sidoo kale madaxii sirdoonka dalkaas.

Pezeshkian, oo ah musharaxa kaliya ee isbedel doonka ah, waxa uu taageero ka helay isbahaysiga isbedel doonka ah ee dalkaas oo ay ku jiraan madax hore, waana siyaasi u furfuran dhanka reer-galbeedka.

Faransiiska

Wareegii labaad ee doorashada Faransiiska ayaa billowday, iyada oo dadweynaha dalkaas ay soo dooran doonaan xildhibaanada ku matali doona Baarlamaanka shanta sano ee soo socota.

Dad lagu qiyaasay 49.5 milyan ayaa xaq u leh inay codeeyaan, waxaana laga cabsi qabaa in Xisbiyada midigta fog ay ku guuleystaan doorashada inkasta oo Xisbiga talada haya uu la sameeyay xisbiyada kale isbahaysi xoogan.

Biloowgii June, waxa uu Madaxweynaha Faransiisku kala diray Baarlamaankii dalkaas, isagu ku baaqay in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay kadib markii guul darro kasoo gaartay Xisbigiisa doorashadii Baarlamaanka Midowga Yurub.

India

Dalka Hidiya, 7 qof ayaa ku dhintay 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu kusoo dumay gurigii ay deganaayeen oo ka koobnaa lix dabaq.

Roobab xoogan oo ka da’ay gobolka Gujarat ee dalkaas ayaa sababay burburka guriga, waxaana weli socda dadaaladda looga soo saarayo dad ku hoos jira dhismaha dumay.

BARIGA DHEXE

Shan wariye oo kasoo jeeda Falastiin ayaa ku dhintay weerarada Israel ee marinaka Gaza saacadihii lasoo dhaafay, taas oo tirada suxufiyiinta ee ku dhintay Gaza tan iyo 7-dii October 2023 ka dhigaysa 158 wariye.

Sidoo kale lix Boliis ah ayaa ku dhintay weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada Israel ka fuliyeen magaalada Rafax ee Koonfurta Gaza, waxaana ku dhaawacmay tira kale.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​38,100 qof oo ay u badanyihiin haween iyo carruur, waxayna dhaawacday dad kale oo ka badan 87,700 .

Hay’adaha caalamiga ah ayaa ka digaya xaaladda Bini’aadantinimo ee Gaza, iyada oo warbixin lasoo saaray ay muujisay in 96% dadka ku sugan Gaza in ay wajahayaan gaajo, waxaana cabsi wayn laga qabaa in ay dillaacdo mcaluul galaafata nolosha dad badan.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 569 qof waxeyna ku dhaawacday 5,350 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,520 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Niger

Diyaaraddii ugu dambeysay ee Ciidamada Mareykanka ayaa ka duushay Niger iyada oo la fulinayo heshiiskii labada dhinac ee ahaa in Mareykanku kala baxo dalkaas howlwadeenada ka jooga.

Militariga xukuma dalka Niger ayaa horaantii sannadkan ku amray 1,000-ka askari ee Mareykanka ah inay ka baxaan dalka.

Jabuuti

Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell oo howl shaqo ku jooga Jabuuti ayaa booqday warshadda biyaha nadiifisa ee Doraleh ee uu maalgeliyo Midowga Yurub.

Borrell ayaa booqasho 3 maalmood ah ku jooga Jabuuti, wuxuuna kulamo la qaadan doona Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamuud Cali Yuusuf.

Galbeedka Afrika

Niger, Mali iyo Burkina Faso, oo ah saddex waddan oo ku yaal Galbeedka Afrika ayaa heshiis “Confederation” ah ku galay magaalada Niamey.

Seddexda dal, waxaa maamulkooda la wareegay Ciidamada Milatariga intii u dhaxaysay 2020 ilaa 2023, waxayna jareen xiriirkii milateri iyo kii diblomaasiyadeed ee ay la lahaayeen dalalka gobolka iyo quwadaha reer-galbeedka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here