Wednesday, October 30, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Faransiiska

Isbaheysiga garabka bidix ee Faransiiska ayaa ku guuleystay doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday shalay kadib markii ay heleen 176 kursi oo Baarlamaanka ah.

Isbahaysiga uu hoggaamiyo Macron ayaa Baarlamaanka ku yeelan doona 150 xildhibaan, halka xisbiga midigta fog uu ku yeelan doono 125 xildhibaan, taas oo ka dhigan inuusan jirin xisbi helay aqlabiyadda Baarlamaanka oo ka kooban 289 xildhibaan.

Biloowgii June, waxa uu Madaxweynaha Faransiisku kala diray Baarlamaankii dalkaas, isaga oo ku baaqay in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay kadib markii guul darro kasoo gaartay Xisbigiisa doorashadii Baarlamaanka Midowga Yurub.

BARIGA DHEXE

Maamulka Falastiin ee marinka Gaza ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Shaqada Iihaab Al-Ghussein oo ku dhintay duqeynta Israel, waxaana hore sidoo kale duqen loogu dilay xaaskiisa iyo gabadhiisa.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay dishay ku dhawaad ​​38,100 qof oo ay u badanyihiin haween iyo carruur, waxayna dhaawacday dad kale oo ka badan 87,900 .

Hay’adaha caalamiga ah ayaa ka digaya xaaladda Bini’aadantinimo ee Gaza, iyada oo warbixin lasoo saaray ay muujisay in 96% dadka ku sugan Gaza in ay wajahayaan gaajo, waxaana cabsi wayn laga qabaa in ay dillaacdo mcaluul galaafata nolosha dad badan.

Dhinaca Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay 570 qof waxeyna ku dhaawacday 5,350 oo kale, halka ku dhawaad ​​9,550 oo qof loo taxaabay xabsiyada tan iyo October , 2023.

Mareykanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay madaxada Baarlamaanada wadamada NATO ee ku shiraya Mareykanka.

Kurtulmus ayaa lagu wadaa inuu sidoo kale ka qayb galo kulan ay soo qaban qaabisay Hay’adda Cilmi-baarista Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Bulshada (SETA).

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu maanta muddada u kordhiyo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerida Heshiiska Xudeydah ee dalka Yemen.

Golaha ayaa sidoo kale dhageysan doona warbixin ku saabsan xaaladda dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka jiray dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay xabbad joojin kumeel gaar ah oo ku eg 19-ka bishaan, waxaana muddadaas la qorsheeyay in kaalmo gargaar ah la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaallada.

Bangladesh/ Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh Sheikh Xasina ayaa booqasho rasmi ah ku tagaysa dalka Shiinaha, iyada oo la kulmi doonta madaxda Shiinaha sida Ra’iisul Wasaare Li Qiang iyo Madaxweyne Xi Jinping.

Sheikh Xasina ayaa qorsheyneysa inay Shiinaha ka hesho deyn fudud oo ay ku fulineyso mashaariicda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalkeeda.

Pakistan

Madaxa hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay Filippo Grandi ayaa booqasho ku tagay dalka Pakistan si uu ugu kuurgalo dadka qaxootiga ee ku nool dalkaas.

Waa safarkiisii ​​ugu horeeyay tan iyo markii Islamabad ay ku dhawaaqday dib u celinta qaxootiga Afghanistan ​​bishii October. Grandi ayaa la kulmi doona mas’uuliyiinta Pakistan, iyada oo diiradda la saari doono dib-u-dejinta qaxootiga Afghanistan.

Jabuuti

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa maanta kulan la qaadan doona Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wasiirka arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf.

Booqashada Borrell ee Jabuuti oo qaadatay saddex maalin ayaa la filayaa inuu maanta soo gabagabeeyo.

Nigeria

Urur-goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, ayaa ka digay kala daadsanaanta iyo ammaan darrada soo foodsaartay gobolka ka dib markii hoggaamiyeyaasha millatariga ee Burkina Faso, Mali iyo Niger ay saxiixeen heshiis isbahaysi ah oo ay uga baxeen Ururka ECOWAS.

Koonfur Afrika

Ugu yaraan 4,000 oo qof ayaa hoy la’aan noqotay ka dib markii daadad xooggan ay ku dhufteen gobolka Western Cape ee dalka Koonfur Afrika. Hay’adda saadaasha cimilada ee dalkaas ayaa soo saartay digniin la xiriirta inay gobolkaas kusoo wajahan yihiin dabeylo, roobab ay ka dhalan karaan fatahaado waxyeello u geysan kara guryaha iyo dadka ku nool gobolkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here