Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxda NATO ayaa maanta oo Talaado ah shir ku yeelanaya magaalada Washington, iyaga oo xusaya sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay isbaheysiga NATO.

Sida laga soo xigtay Wasiirka Difaaca Mareykanka Lloyd Austin, shirka waxaa looga wadahadli doona kor u qaadista iyo xoojinta awoodda difaaca wadajirka ah ee xubnaha NATO.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa marti ku ah shirka, isaga oo rajo ka qaba inuu NATO ka helo hub dheeraad ah oo dalkiisu u adeegsado dagaalka uu kula jiro Ruushka.

Dhanka kale, Xisbiga Dimuquraadiga ee Mareykanka waxaa ka dhex jira khilaaf ka dhashay Dooddii u dhexeysay Joe Biden iyo Trump, taas oo u muujisay in Biden uusan awood u lahayn difaacashada kursiga madaxtinimada.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan degdeg ah ka yeelanaya xaaladda dalka Ukraine kadib weeraradii ugu dambeeyay ee Ruushu ka fuliyay qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaas.

BARIGA DHEXE

Sida laga soo xigtay warbaahinta Israel, madaxa Sirdoonka ee Israel, David Barnea ayaa Arbacada u safri doona magaalada Doha, isaga oo wada hadallo ku saabsan xabbad joojinta Gaza kala hadli doona Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan, iyo Agaasimayaasha sirdoonka ee Mareykanka iyo Masar.

Qaar ka mid ah Wasiiradda Israel ayaa cadaadis ku saaraya Benjamin Netanyahu inuusan aqbalin in heshiis xabbad joojin ah lala galo Xamaas, iyada oo dowladaha dhexdhexaadinta wada ee Mareykanka, Masar iyo Qatar ay dadaal xoogan ku bixinayaan sidii dagaalka loo joojin lahaa.

Tan iyo 7-dii October ee la soo dhaafay, Israel waxay Gaza ku dishay ku dhawaad ​​38,200 qof oo ay u badanyihiin haween iyo carruur, waxayna dhaawacday dad kale oo ka badan 87,900 .

Nigeria

Shaqaalaha hay’adaha Tacliinta sare ee dalka Nigeria ayaa hoos u dhigay howlahoodi shaqo kadib markii mushaarkoodi la siin waayay dhowrki bilood ee lasoo dhaafay.

Mudaaharaad ay shaqaaluhu ku dalbanayaan xuquuqdooda ayaa ka socda dhammaan gobollada dalkaas oo ka kooban 36 gobol.

Kenya

Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa amartay in 10 milyan oo shilin ($78,000) magdhaw ahaan loo siiyo xaaska wariyihii u dhashay dalka Pakistan, Arshad Sharif oo ay Boliiska dalkaas dileen laba sano ka hor.

Maxkamdda ayaa dilka wariyaha ku tilmaamtay inuu ahaa mid sharci darro ah.

Uganda

Dowladda Uganda ayaa la filaya inay ka jawaabto warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in ciidamadeedu ay taageero siiyaan jabhadda M23 ee ka dagaallanta bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Guinea-Bissau / Shiinaha

Madaxweynaha Guinea-Bissau, Umaro Sissoco Embalo ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo shan maalmood ah ku tagay dalka Shiinaha.

Embalo ayaa la kulmi doona madaxda Shiinaha isaga oo kala hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Jabuti

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa madaxda dalka Jabuuti kala hadlay xaaladda gobolka Geeska Afrika iyo howlgallada ciidamada badda ee Midowga Yurub ay ka wadaan badda cas.

Josep Borrell iyo Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale isla soo qaaday sida wax looga qaban karo colaadda Suudaan iyo xaaladda nabadaynta ee gobolka.

Itoobiya / Suudaan

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Port Sudan, iyada oo booqashadiisa lagu sheegay sidii xal waara loogu heli lahaa xasiloonida Suudaan

Booqashada Abiy ee Suudaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo dhawaan lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar shir looga hadlayay dagaalka ka socda Suudaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here