Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Mareykanka

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa magaalada Washington ka furay shir madaxeedka isbahaysiga NATO oo lagu xusayo sanadguuradii 75-aad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay NATO.

Shirka ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay sii kordhayso cabsida amni ee caalamaka kadib duullaanka Ruushka iyo Israel ee Ukraine iyo Falastiin.

Shir madaxeedkan ayaa socon doona ilaa Khamiista, waxaana kasoo qayb galay markii ugu horeysay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain Keir Starmer, oo xisbigiisu si aqlabiyad ah ugu guuleystay doorashadii guud ee dhacday todobaadkii hore.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa marti ku ah shirka, isaga oo rajo ka qaba inuu NATO ka helo hub dheeraad ah oo dalkiisu u adeegsado dagaalka uu kula jiro Ruushka.

BARIGA DHEXE

11 askari oo Israel ah ayaa ku dhaawacmay dagaalada ka socda magaalooyinka kala duwan ee Falastiin, 24 saac ee lasoo dhaafay, taas oo tirada askarta dhaawacantay ka dhigaysa 4,125, halka dhimashaduna ay gaartay 680 kuwaas oo isagu jira askar iyo saraakiil tan iyo bilowgii dagaalka.

Duullaanka Isarel ee Gaza oo galay maalintii 278-aad, waxaa lagu dilay 38,243 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 88,333 oo Falastiiniyiin ah, waxaana dadkaas u badan haween iyo carruur.

Dowladaha – Qatar, Masar, Mareykanka iyo Israel ayaa lagu wadaa inay kulan ku yeesheen magaalada Dooxa,si loo dhamaystiro hirgelinta heshiiska xabbad joojinta iyo in la bilaabo wada hadal toos ah oo u dhexeeya Xamaas iyo Israel si la isku dhaafsado maxaabiista loona joojiyo dagaalka Gaza.

Indonesia

Hay’adaha samata bixinta Indonesia ayaa baadi goob ugu jira sidii loo soo badbaadin lahaa ku dhawaad 35 qof kadib markii uu kusoo dumay god ay ka qodayeen Dahab.

Pakistan

8 qof ayaa dhimatay, oo ay ku jiraan 5 askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Pakistan, kadib markii iska horimaad hubaysan uu dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda kuwaas oo ku sugan gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee waqooyi-galbeed ee dalkaas.

Koonfurta Kuuriya

Labo qof ayaa ku dhintay daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay gobollada Waqooyiga Jeolla iyo Koonfurta Chungcheong ee Koonfurta Kuuriya.

Sida ay sheegtay wakaaladda Wararka ee dalkaas, fatahaada ayaa waxyeello gaarsiiyay 17 guri iyo 16 waddo.

Zimbabwe

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Zimbabwe, Jameson Timba iyo 78 qof oo ka mid ah Xisbigiisa ayaa la filaya in maxkamad lasoo taago, kadib markii lagu eedeeyay inay qabteen kulan aysan u haysan ogolaansho.

Jameson Timba iyo xubno ka mid ah xisbiga mucaaradka ee Citizens Coalition for Change ayaa la xiray 16-kii bishii June ee lasoo dhaafay.

Rwanda

Dowladda Rwanda ayaa sheegtay inaysan dib u celin doonin wax ka badan 300 milyan oo dollar oo ay ka heshay Ingiriiska tan iyo 2022-kii kadib markii ay ku heshiiyeen in dalkeeda loosoo tarxiilo dadka Ingiriiska ku jooga sharci darrada.

Afhayeen u hadlay dowladda Rwanda ayaa Talaadadii sheegay in heshiiska musaafirinta qaxootiga ee ay la galeen UK inuusan ku jirin qodob dhigaya inay dib u celiyaan wax lacag ah.

Hadalka dowladda Rwanda ayaa kusoo beegmaya kadib markii Ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain Keir Starmer uu laalay qorshihii xukuumaddii ka horeysay ee tarxiilka muhaajiriinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here