Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Mareykanka

Dolwadda Maraykanka ayaa ugu baaqay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen inay sii daayaan dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo shaqaalaha diblomaasiyiinta ah ee ku jira xabsiyadooda.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa ku dhawaaqday 10-kii June ee lasoo dhaafay, inay gacanta ku dhigeen koox basaasiin u ahayd Mareykanka iyo Israel oo ka shaqaynaysay hay’adaha ka howl gala Yemen, inkasta oo aysan sheegin dalalka ay kasoo kala jeedaan.

Yemen

Seddax askari ayaa ku dhintay, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax miino lagula beegsaday gobolka Shabwa ee koonfurta Yemen, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalka Yemen.

Dagaalyahano raacsan ururka Al-Qaacidda ayaa ku sugan qaybo ka mid ah goballada dalka Yemen, gaar ahaan kuwa koonfurta, waxayna xilliyada qaar gaystaan ​​weeraro ka dhan ah ciidamada amniga.

Turkey

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka qayb galay casho sharaf uu madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden u sameeyay madaxda NATO ee ku sugan Washington.

Shir-madaxeedka isbahaysiga NATO oo lagu xusayo sanadguuradii 75-aad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay NATO ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo maanta oo Khamiis ah.

Liibiya

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Liibiya ayaa diiday in deb u dejin looga sameeyo dalkeeda dadka soogalootiga ah, waxeyna tilmaamtay in inta u dhaxaysa 70 ilaa 80% ajaaniibta ku sugan gudaha Liibiya ay yihiin kuwo sharci darro ku jooga.

Dalka Liibiya oo ku yaalla Waqooyiga Afrika, una jira Xeebta Talyaaniga qiyaastii 300-km, ayaa ka mid ah Waddamada sida weyn ay uga tahriibaan kumannaan qof sannadkii, iyaga oo kusii jeeda qaaradda Yurub.

Dadka dhintay ama la waayay iyaga oo adeegsanaya waddada tahriibka ee Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ayaa lagu qiyaasay sannadkii 2023 ilaa 4,984, waana tira ka badan sannadkii 2022 oo ay gaarayeen ilaa 3,820, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka Adduunka.

Cameron

Baarlamaanka Cameron ayaa ku taageeray madaxweynaha dalkaas , Paul Biya, in dib loo dhigo doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan deegaanka illaa 2026-ka, tillaabadaas oo ka careysiisay xisbiyada mucaaradka ah.

Biya, oo 91 jir ah, waa mid ka mid ah madaxweynayaasha ugu muddada dheer Afrika. Waxa uu xukunka la wareegay 1982-kii, wuxuuna ku guuleystay doorashooyin xiriir ah, oo ay ugu dambeeysay doorashadii dhacday 2018-kii, inkasta oo mucaaradkiisu ay ku tilmaameen “doorasho lagu shubtay”

BARIGA DHEXE

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Barbara Leaf ayaa ku guda jirta socdaalkeeda ay ku mareyso Bariga Dhexe.

Leaf ayaa booqanaysa Imaaraadka Carabta, Qatar, Masar, Jordan, Israel, iyo Falastiin si ay madaxda dowladahaan ugala hadasho suurtagalnimada heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza.

Dowladaha Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa wada kulamo ay la yeelanayaan madaxda Israel iyo Xamaas si loo dhamaystiro hirgelinta heshiiska xabbad joojinta iyo in la bilaabo wada hadal toos ah oo u dhexeeya labada dhinac, si la isku dhaafsado maxaabiista loona joojiyo dagaalka Gaza.

Duullaanka Isarel ee Gaza oo galay maalintii 279-aad, waxaana ku dhintay 38,295 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 88,333 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo badan haween iyo carruur.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here