Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Bariga Dhexe

Wali waxaa socda dadaallada ay wadaan dowladaha Qatar, Masar iyo Mareykan ee lagu doonayo in xabbad joojin lagu dhex dhigo Israel iyo kooxaha iska caabinta ee Falastiin, si loo joojiyo dagaalo Gaza.

Jimcihii, warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Netanyahu uu shuruudo cusub ku xiray xabbad-joojinta iyo heshiiska isku-dhaafsiga maxaabiista. Netanyahu ayaa soo jeediyay in Israel ay gacanta ku hayn doonto marinka Philadelphi ee xuduudka Gaza ee Masar, iyadoo sidoo kale kormeeri doonta qeyba ka mid ah magaalada Rafax ee dhanka Falastiin.

Basle Xamaas ayaa si adag uga jawaabtay, waxayna ku eedeysay Netanyahu inuu isku dayayo inuu soo bandhigo shuruudo cusub oo aan qayb ka ahayn soo jeedintii hore ee ay kala hadleen dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar.

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 281-aad, waxaana ku dhintay 38,340 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 88,333 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo badan haween iyo carruur.

Toboneeyo qof oo mayd ah ayaa laga helay xaafadda Tel Al-hawaa ee ku taal koonfur-galbeed ee magaalada Gaza kadib muddo afar maalin ah oo ay ciidamada Israel ka wadeen howlgallo gaystay khasaaro isagu jira dhimasho, dhaawac iyo burburinta guryaha.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay Jimcihii in ay shaqeynayaan kaliya 9 ka mid ah xarumaheeda caafimaadka oo gaararayay 26 xarumood, taas oo ah dhibaato kale oo kusoo korortaay marinka Gaza.

Dhanka Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ugu yaraan 574 qof, halka ay dhaawacmeen 5,350 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9,625 oo qof, tan iyo 7-dii October ee 2023.

Dhanka Lubnaan, kooxda Xisbullaah ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay gantaallo la beegsatay laba xarumood oo ay leeyihiin milateriga Israel, ciidamada Israel oo ka jawaabaya waxay rasaas ku fureen magaalooyin ku yaalla koonfurta Lubnaan.

Nepal

Howlgallo lagu baadigoobayo 65 qof oo lagu la’yahay dalka Nepal ayaa weli sii socda ka dib markii labo bas ay ku rogmadeen wabiga Trishuli ee gobolka Chitwan, oo qiyaastii 86 kiiloomitir dhanka galbeed ka xiga caasimadda Kathmandu.

Niger

Dowladda Niger ayaa bandow kusoo rogtay gobolka Tillaberi kadib marki ay maxaabis badan ka baxsadeen xabsi ku yaal gobolkaas. Ciidamada amniga ayaa baadi goob ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dadkii baxsaday, iyada oo la xiray waddooyinka kala duwan ee gobolka.

Nigeria

Ugu yaraan 120 arday iyo Macalimiin ayaa ku go’doonsan dhismo iskuul oo ku soo dumay dalka Nigeria. Kooxaha gurmadka ayaa xaqiijiyay ilaa iyo hadda inay dhinteen ku dhawaad 20 qof, waxaana socda dadaallada lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo dadka ku hoos jira dhismaha soo dumay oo ka koobnaa laba dabaq.

Yurub

Guddiga Midowga Yurub u qaabilsan ka hortagga jirdilka (CPT) ayaa uga digay dowladda Giriigga in ay dib ugu celiyaan dadka muhaajiriinta dalka Turkiga, waxaana sidoo kale loogu baaqay Giriigga inay hagaajiso goobaha ay ku xirto dadka soo tahriibay.

Japan

Japan ayaa ku dhawaaqday inay qiimeyn ku samayn doono hannaanka aqoonsiga ee dowladda Falastiin, iyadoo la tixgelinayo geedi socodka nabadda ee Bariga Dhexe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here