Sunday, September 8, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Mareykanka

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ahna mushrrax u taagan doorashada madaxtinimo ee soo socota ayaa ka badbaaday isku day la damacsanaa in lagu dilo balse waxaa soo gaaray dhaawac.

Trump ayaa rasaas lagu furay xilli uu taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania, waxayna muuqaladu qabteen isaga oo lala sii cararrayo, dhiigna ka socda dhigtiisa.

FBI-da Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ruuxii fuliyay isku daygii dilka ahaa ee la rabay in la khaarijiyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ahaa 20 jir lagu magacaabo Thomas Matthew Crooks.

Mdaxweyne Joe Biden ayaa ugu baaqay dadka Mareykanka inay muujiyaan midnimo si looga adkaado rabshadaha isaga oo ku tilmaamay isku daygii dilka ee Trump wax laga xumaado oo ay tahay in la cambaareeyo.

Bariga Dhexe

Dowladda Masar ayaa caddeysay diidamadeeda la xiriirta in ciidamada Israel ku sugnaadaan xuduudka Rafax ee u dhexeeya Falastiin iyo Masar, waxeyna ugu baaqday Israel inaysan keenin shuruudo carqalad ku noqon kara wadahadallada lagu doonayo in lagu hir geliyo xabbad joojinta.

Waxaa weli socda gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeelloobay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israel ka fulisay xaafadaha kala duwan ee marinka Gaza, waxaana lasoo warinaya in ay dhinteen in ka badan 90 qof, iyada oo ay dhaawacmeen 300 oo kale.

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 281-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 38,400 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 88,500 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo badan haween iyo carruur.

Xaalada bini’aadantinimo ee marinka Gaza ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xumaanaysa iyadoo ay Israel xirtay dhammaan marinadii la marsiin lahaa gargaarka bini’aadantinimo.

Dhanka Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ugu yaraan 574 qof, halka ay dhaawacmeen 5,350 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9,625 oo qof, tan iyo 7-dii October ee 2023.

Turkey/ Suudaan

Dowladda Turkiga ayaa u dirtay dalka Suudaan markab sida gargaar bini’aadatinomo oo dhan 2,408 tan si wax looga qabto xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta dalkaas.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka iyo Maareynta Degdegga ah ee Turkiga ayaa isku soo dubariday gurmadka loo fidinayo dadka Suudaan ee waxyeelladdu kasoo gaartay dagaalladda, iyada oo taageero ka helaysa Wasaaradda Caafimaadka, Bisha Cas iyo Ururrada Gargaarka ee Turkiga.

Markabka waxaa saaran gargaar isagu jira cunto, agabka nadaafadda, dhar, dawooyin iyo agabyada loogu tala galay dadka soo barakacay.

Kenya

Labo maalmood ka dib markii uu xilka ka qaaday 21 wasiir iyo xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, madaxweyne William Ruto ayaa ballan qaaday in uu soo dhisi doono gole wasiirro cusub oo ka koobnaan doona dhammaan bulshooyinka kala duwan ee dalkaas si loo muujiyo midnimo.

Dibbad baxyadii lagu diidayay sharciga canshuur kordhinta, waxaa ku nafwaayay ku dhawaad 40 qof, waxaana dhawaacamay dad kasii badan, inkasta oo Ruto diiday inuu saxiixo sharcigaas.

CIYAARAHA

Waxaa caawa lasoo gabagabyn doona tartanka qaramada Yurub ee sannadkan lagu qabtay dalka Jarmalka, waxaana ciyaarta kama dambaysta ah isku arki doona Spain iyo England

Kulanka finaalka ah waxaa lagu ciyaari doona garoonka Olympic Stadium ee magaalada Berlin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here