Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Suuriya

Magaalooyinka ku jira gacanta dowladda Suuriya, waxaa maanta looga dareeray doorashada Baarlamaanka, iyada oo dalka uu ka jiro dagaal sokeeye tan iyo 2011.

1,516 murashax ayaa u tartamaya kuraasta Baarlamaanka Suuriya oo gaareysa  250 kursi.

Waa markii afaraad ee uu  Bashaar Al-Asad qabto doorashooyinka Baarlamaanka kadib sannadihii  2012, 2016, iyo 2020.

Doorashada kama qayb qaadan doonaan dadka ku nool goobaha ku jira gacanta kooxaha kasoo horjeeda dowladda iyo dadka qurba joogta ah.

Dadka Suuriya waxa ay ahaayeen inta u dhaxaysa 22 iyo 23 milyan oo qof ka hor 2011. Sida laga soo xigtay xogta hay’adda caalamiga ah ee socdaalka, 6.6 milyan ayaa ku barokacay gudaha dalka tan iyo markaas, iyada oo 6.8 milyan lagu qasbay inay  u  cararaan dibadda

UK

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain David Lammy ayaa ku baaqay xabbad joojin degdeg ah oo laga hirgeliyo  marinka Gaza, oo uu dagaal ka socdo tan 7-dii October, 2023-kii.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah, lana gaarsiiyo Gaza gargaar bini’aadantinimo oo shuruud la’aan, iyada oo sidoo kale laga shaqaynayo sidii loo heli lahaa xal waara oo dan u wada ah Israel iyo Falastiin.

Bariga Dhexe

Dowladaha qaabilsan dhexdhexaadinta Isarel iyo kooxaha iska caabinta ah ee Falastiin ayaan weli soo saarin wax faahfaahin ah oo ku saabsan  kulmadii ay Dooxa kula yeesheen mas’uuliyiinta Israel.

Kooxda Xamaas ayaa beenisay in joojisay wadahadalladii xabbad joojinta kadib markii Israel duqeyn ku dishay in ka badan 90 qof Sabtidii lasoo dhaafay.

Xamaas ayaa ku eedeyaysay ra’iisul wasaaraha Israel inuu isku dayayo fashilinta wadaxaajoodka kadib duqeymihii ugu dambeeyay ee ciidamadiisu ka fuliyeen gooba badan oo ka tirsan Gaza.  

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 282-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 38,600 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 88,900 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo badan haween iyo carruur.

Xaalada bini’aadantinimo ee marinka Gaza ayaa maalinba maalinta ka danbeysa sii xumaanaysa iyadoo ay Israel xirtay dhammaan marinadii la marsiin lahaa gargaarka bini’aadantinimo.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ugu yaraan 574 qof, halka ay dhaawacmeen 5,350 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 700 oo qof, tan iyo 7-dii October ee 2023.

Dhanka Isarel waxaa dhaawac soo gaaray 10 askari 24 saac ee lasoo dhaafay taasoo tirada  dhaawacantay  ka dhigaysa 4,167 askari, halka tirada dhimashadu ay tahay  682 tan iyo markii uu billowday duullaanka Israel ee Gaza

Turkey

Dalka Turkiga waxaa laga xusaya maanta sidii ay shacabku uga hortageen af-gembigii fashilmay 15 July ee sannadkii 2016.

Madaxweyne Erdogan oo la hadlay shacabka ayaa sheegay in shacabka Turkigu awood u leeyahay inuu ka hortgao qorshe kasta oo lagu beegsanayo waxyeeleynta madax-bannaanidooda iyo rabitaankooda.

15-ka bisha July waxaa loo asteey  maalinta Diumuqraadiyadda iyo midnimada waxaana sannad kasta laga dhigaa Turkiga xus lagu muuijnayo awoodda shacabka

Rwanda

Malaayiin qof ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka Rwanda oo  xil hayntoodu tahay  muddo shan sano ah.

 Saddex musharrax ayaa ku tartamaya xilka madaxweynaha oo uu ku jiro Paul Kagame oo hadda xilka haya wuxuuna  doonaya in markii 4-aad loo doorto xilka madaxtinimada.

Kenya / Haiti

Qaybtii labaad ee ciidamada Kenya ayaa la qorshaynaya inay u amba baxaaan  dalka Haiti si ay uga qayb qaataan howlaha nabad ilaalinta ee dalkaas oo wajahaya mid ka mid ah qalalaasihii ugu xumaa ee soo maray.

Ilaa 400 oo askari  ayaa hore loo geeyay dalka Haiti , kuwaas oo shaqadoodu tahay in ay  ka caawiyaan boliiska Haiti sugidda amniga xarumaha  muhiimka ah iyo la dagaallanka kooxaha kasoo horjeeda dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here