Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Cummaan

Afar qof ayaa ku dhimatay, tiro intaas kasii badana, waxaa soo gaaray kadib markii toogasho ka dhacday deegaanka Waadi Al Kabir ee ku yaal caasimadda dalka Cummaan ee Masqad.

Dowlddu ma sheegin sababta ka dambeysa toogasahda balse goob joogayaal ayaa baraha bulshada ku baahiyay goobta ay toogashadu ka dhacday oo ah meel u dhaw Masaajidka Imaam Cali.

War-saxaafadeed kasoo baxay Boliiska ayaa lagu sheegay in la qaaday dhammaan tillaabooyinka hubinta amniga ee goobta ay wax ka dhaceen iyo baaritaano la xiriira dhacda.

Niger

Wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Turkiga ayaa booqasho rasmi ah uga billaaban doonta berri oo Arbaco ah Jamhuuriyadda Niger, si ay uga wadahadlaan xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Wafdiga ayaa ka kooban Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, Wasiirka Difaaca Yaşar Guler, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga Alp Arslan Bayraktar, Taliyaha Sirdoonka Ibraahim Kalin iyo wakiilo ka socda hay’adaha iyo shirkadaha dalka Turkiga.

Waxaa xusid mudan in 31-kii Janaayo uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Turkiga Ra’iisul Wasaaraha Niger Cali Lamine Zein.

Dowladda Turkiga ayaa ka taageerta Niger dhinacyo badan sida caafimaadka iyo waxbarashada, waxeyna hirgelisay 13 iskuul oo ay wax ka bartaan 1,613 arday.

Dhanka kale, Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa shaaca ka qaaday inay dhamaystiri doonto kala bixidda ciidamadeeda ku haray Niger , iyada oo ku dhawaad ​​300 oo askari laga saari doono dalkaas ilaa bartamaha September.

Niger ayaa laashay 17-kii March, heshiiskii iskaashiga milatari ee ay kula jirtay Mareykanka 12 sano , waxayna amar ku bixisay in ciidamada Mareykanku ay ka baxaan dalka, sida ugu dhaqsaha badan.

Hindiya

4 askari oo ka tirsan ciidamada India ayaa lagu dilay iska horimaad dhex maray dagaalyahanada gobolka Jammu iyo Kashmir.

Wargeyska “India Today” ayaa maanta oo Talaada sheegay in deegaanka Doda ay ka dhaceen iska horimaadyo dhexmaray askarta Hindiya iyo koox hubeysan.

Dadka ku nool gobolka Kashmir ayaa dalbanayay inay ka madaxbannaanaadan Hindiya kuna biiraan Pakistan, tan iyo markii labada dal ay xornimada ka qaateen Ingiriiska sannadkii 1947.

Gobolkaan dartiis, dowladaha Pakistan iyo Hindiya waxaa dhex maray saddex dagaal oo waaawayn sannadihii 1948, 1965, iyo 1971, waxaana labada dhinac uga dhintay 70,000 oo qof.

Kenya

Dadwaynaha Kenya ayaa la filayaa in ay dhigaan bannan baxyo looga soo horjeedo afduubka iyo dilalka ka dhaca dalkaas, xilli dhawaan ay gilgileen dalkaas dibad baxyo looga soo horjeeday sharciga canshuur kordhinta.

Madaxweyne William Ruto ayaa isku diyaarinaya inuu ku dhawaaqo Golihiisa wasiirrada cusub, kadib markii uu kala diray wasiiradiisa todobaadki hore.

Itoobiya / Kenya

Wasiirka arrimaha dibadda Ireland, Micheál Martin, ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan booqdo dalalka Kenya iyo Itoobiya, taasoo qayb ka ah socdaal diblomaasiyadeed oo uu ku marayo Geeska Afrika.

Booqashada wasiirka oo qaadan doonta afar maalmood, waxa uu ku hormari doona Kenya isaga oo uga sii gudbi doona Itoobiya.

Ujeedada booqashada waxaa lagu sheegay inay qayb ka tahay siyaasadda ay Ireland ku dooneyso inay ku xoojiso xiriirka dhaqaale, siyaasadeed iyo horumarineed ee gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here